Fadeexad: Xasan oo abaabulay qarax been ah iyo shirkii Hawiye…

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa aad loo hadal hayaa gaari qarax been abuur ah oola sheegay in la dhigay agagaarka Hotel Maka Al Mukarama oo ay ku shir sanayeen odayaasha dhaqanka ee beelaha Hawiye.

Gaarigaasi qaraxa ee been abuurka ahaa ayaa laga lahaa qorshe la doonayay in lagu joojiyo shir odayaasha Hawiye ay ku lahaayeen hotel Maka Al Mukarama, maadaama  dowlada ay dooneysay ineysan awood muuqata u adeegsan joojinta shirka Odayaasha Hawiye.

Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka marka hore lagu wargeliyay ineysan qabsan shirka ay kaga hadlayeen aayaha siyaasada ee magaalada Muqdisho, waxayna kasoo horjeeday dowlada Xasan Sheikh Maxamuud, iyadoo amarkaasi laga soo saaray madaxtooyada.

Amar kasoo baxay Xasan Sheikh ayaa lagu amray Hotel Maka Al-Mukarama maamulkooda iney joojiyaan shirka, laakiin maamulka Hotelka ayaa diiday, waxaana kadib magaalada la geliyay in gaari qarax ah u yaala agaagarka hotelka, iyadoo lakala racdeeyay odayaashii hotelka ku shirayay iyo dadkiiku sugnaa.

Laakiin odayaasha dhaqanka ee Hawiye oo go’aankooda uu ahaa in shirkooda ay qabsadaan ayaa tagay mid kamid ah guryaha magaalada Muqdisho waxayna ka hadleen ujeedada ay lahaayeen oo aheyd in dowlada Xasan Sheikh Maxamuud lagu qasaaray muddada ay xilka haysay.

Sidoo kale odayaasha dhaqanka Hawiye ayaa sheegay iney doonayaan in la cadeeyo xuquuqda siyaasadeed ee magaalada Muqdisho, waxayna sheegeen in marnaba aysan dhici doonin in la sameeyo sida siyaasiyiinta qaar ay doonayaan.

Ugu dambeyn odayaasha dhaqanka ayaa kasoo horjeestay gudigii doorashada ee dhawaan uu dhisay Xasan Sheikh oo amray maanta in odayaasha Hawiye Muqdisho aysan ku shiri karin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com