Ugaaska Xawaadle “Inaan ku biirno shirka Jowhar waxaan ka door bidaa inaan aadno Jigjiga”

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ka socda kulamo leysu mari la’yahay oo u dhexeeya Odayaasha ka gadoodsan shirka Jowhar.

Shirarka socda ayaa waxaa lasoo warinayaa inay isku mari la’yihiin odayaasha Beesha Xawaadle iyo kuwa beelaha kale ee halkaasi dega oo saacadihii ugu danbeeyay isku fahmi la’aa qaabka ay uga faa’iideysanayaan ballanqaadyada ay ka helayaan dowlada Federaalka Somalia iyo IGAD.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ah odayaasha ayaa sheegay in mowqifkooda uusan wax iska bedeli doonin islamarkaana aan laga fileynin inay shir u tagaan magaalada Jowhar.

Ugaas Xasan waxa uu sheegay inuu rajeynaayo in odayaasha dhaqanka beelaha Hiiraan ay isla gartaan hal mowqif, waxa uuna sheegay in xooga uu saari doono in meesha laga saaro kala fogaanshiyaha yar ee soo kala dhexgali kara odayaasha.

Isaga oo ka hadlaayay suuragalnimada inay u socdaalaan magaalada Jowhar oo ay halkaasi uga qeybgalaan shirka ayaa waxa uu yiri ”Intii aan Jowhar tagi laheyn waxaan aadeynaa Kilinka 5-aad iyo Galmudug”

Ugaas Xasan waxa uu sheegay inaanu jiri doonin isbedel ku imaada mowqifkooda, balse waxa uu sheegay inuu jeclaan lahaa in odayaasha Sh/Dhexe ay la imaadan isbedel.

Geesta kale, odayaasha Hiiraan ayaa waxaa maalinta Axada ah laga sugayaa natiijo ku’aadan go’aan ka gaarista ku biiritaanka shirka Jowhar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com