XOG: Xasan oo helay dhaqaalihii u horeeyay ee doorashada 2016

Muqdisho (Caasimada Online)-Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud ay soo gaaren qeybo kamid ah dhaqaalihii uu uga gudbi lahaa doorashada dalka.

Dhaqaalaha soo gaaray Madaxweyne Xassan ayaa lasheegay inuu kasoo gaaray ilaa laba dal oo kamid ah dalalka Carabta ee sida aadka ah ugu dhex milmay siyaasada Somalia.

Dhaqaalaha ugu badan ayey xogtu sheegeysaa in Xassan Sheekh ay kasoo gaartay dalka Imaaraadka, waxaana sidoo kale jira warar kale oo sheegaya in laba dal oo kale uu dhaqaale ka filaayo bisha aan ku jirno gudaheeda.

Madaxweyne Xassan Sheekh oo mar kale u taagan qabashada xilka ayaa waxa uu taageero ka heystaa tirro dalal carab waxaana dalalkaasi koow ka ah Imaaraadka, Kuwait iyo Sacuudiga.

Madaxweyne Xassan ayaa dhowr jeer ku celcelshay in guul uu ka gaari doono doorashada soo socta, waxa uuna cadeeyay in mowqifkiisa uu yahay in mar kale uu noqdo Madaxweynaha Somalia.

Ma cadda guul iyo guul darro waxa uu la kulmi doono Madaxweyne Xassan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com