Xog: Muxuu ku saleysnaa kulankii Xasan iyo gudoomiye Boorsaani

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, ku-xigeenadiisa, Saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale.

Kulanka Xassan Sheekh iyo Guddoomiyayaasha ayaa waxaa diirada lagu saaray dib usoo celinta amniga, bilicda, wada shaqeynta iyo wax ka bedelka xaalada amni darro ee kusoo kordheysa degmooyinka Gobolka.

Madaxweynaha waxa uu sidoo kale, kala hadlay in loo baahan yahay in la xaqiijiyo amniga ka hor inta aan dhicin doorashada, waxa uuna sidoo kale ku baaqay in maamulada ay la socdaan waxyaabaha ka socda Degmooyinkooda.

Xassan Sheekh, waxa uu sidoo kale, kula dardaarmay Mas’uuliyiinta Degmooyinka Gobolka Banaadir in ay dardar geliyaan howlaha nadaafadda iyo xiriirka ay bulshada la leeyihiin, si loo helo bulsho iyo Maamul si wanaagsan u wada shaqeeya.

Sidoo kale, waxaa madasha kulanka ka hadlay duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa isna Madaxweynaha dalka warbixin ka siiyay waxyaabaha u qabsoomay Maamulka Gobolka Banaadir.

Dhanka kale, Kulanka Xassan iyo Mas’uuliyiintaasi ayaa waxa uu kusoo dhamaaday guul, waxa ayna soo dhaweeyen awaamirta uu Madaxweynaha siiyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com