Xog: DF Soomaaliya oo si cad u diiday in Amisom laga saaro dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arimaha Dibadda ee Somalia Cabdisalaan Hadliye ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada AMISOM aysan ka bixi doonin dalka Somalia.

Wasiirka waxa uu sheegay in Somalia ay wali ku jirto xaalad u muuqaal eg tii hore waxa uuna sheegay in loo baahan yahay in ciidamada AMISOM ay kusii nagaadan Somalia.

Wasiir Hadliye, ayaa hadalkaani ka sheegay khudbo uu ka jeediyay shirka Arimaha Dibadda wadamada Afrika oo ka dhacay Caasimada Kagame ee dalka Rwanda, waxa uuna sheegay inaanu suuragal aheyn in ciidamada AMISOM ay ka baxaan Somalia.

Wasiir Hadliye waxa uu sidoo kale khudbadiisa ku sheegay in Somalia ay leedahay ciidamo farabadan oo ku filnaankara xaqiijinta amniga, balse waxa uu meesha ka saaray inay leeyihiin Khibrad iyo tayo wacan.

Waxa uu Tusaale usoo qaatay ciidamada Milliteriga iyo Nabadsugida waxa uuna carab dhabay inay yihiin kuwo aan ku filneyn amniga dalka.

Waxa uu sheegay in ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ay dalka ka bixi doonaan marka ay isku filnaasho buuxda ay gaaraan ciidanka Miltariga Soomaaliya iyo kuwa Nabad Sugidda.

Hadliye waxa uu shirka ka sheegay in DFS ay si cad u diidan tahay in ciidamada AMISOM laga saaro dalka Somalia.

Haddalka Wasiir Hadliye ayaa kusoo beegmaaya xili dhawaan Dowladda Ugand oo ah dowladda ugu badan ee ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya ay shaacisay in ciidamadeeda ay kala bixi doonto Soomaaliya dhamaadka sanadka 2017-ka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com