26.7 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Sawirro: Bisad muran ka dhalisay David Cameron iyo Theresa May

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaarihii hore ee dalka Britain David Cameron ayaa loo diiday in uu horay u kaxeysto Mukulaal/Bisad ku dhex nooleyd Xafiiskiisii hore ee Britain.

Ra’isul wasaaraha cusub ee Britain, Theresa May, ayaa ka hor imaaday in David Cameron uu Bisadaasi ka kaxeysto Xafiiska waxa ayna sheegtay in Bisadu ay tahay shaqaale ka tirsan dowlada, gaar ahaan Xafiiska Ra’isul wasaaraha.

Mr Theresa May waxa ay Cameron u sheegtay in Bisada ay isku bedeli doonaan madaxda danbe ee imaan doona Xafiiska hayeeshee aan laga kaxeyn doonin Xafiiska ay iminka ka howlgasho.

Mr Theresa, waxa ay sidoo kale sheegtay in wax waliba oo yaalla Xafiisyada Britain ay yihiin Hanti Qaran islamarkaana Bisadu ay qeyb ka tahay hantidaasi.

Mr Theresa May ayaa ku gacanseertay codsigii Cameron ee ahaa in loo fasaxo inuu kaxeysto Bisada.

David
David

1

2

Mukulaal
Mukulaal

7

- Advertisement -

Read more

Local News