Sawirro: Nabadoonka Eritrea ee Somalia oo farriin u diray Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoonka Beesha Eritria ee Somalia Ali Fikak ayaa dowlada Somalia Somalia ku dhaliilay inay ka gaabineyso daryeelka iyo la socodka xaaladaha Jaaliyadda Eriteria ee ku dhaqan dalka Somalia.

Nabadoon Ali Fikak, ayaa sheegay in Jaaliyadda Eriteria dalka Somalia laga aasaasay sanada marka ay aheyd 1942, islamarkaana aysan daryeel kala kulmin dowladihii hore, markii laga reebo tan hadda jirta oo iyaduba ka gaabineysa howlihii ay ka mudneyd Jaaliyada.

Nabadoonka waxa uu sheegay in dowlada Somalia looga baahan yahay in il gaar ah ay ku fiiriso Jaaliyada Eriteria ee ku dhaqan Somalia, waxa uuna farta ku goday inay leeyihiin maamul dhameystiran oo ka sharciyeysan dhanka dowlada balse ay u baahan yihiin in dowlada ay kasoo dhalaasho kaalinteeda.

”Fariintaani aan u direyno Madaxweynaha Somalia waxa ay lamid tahay fariimo hore oo aan u dirnay Madaxweynaha wax jawaab iyo isbedel kama helin, waxaan Madaxweynaha ka dalbaneynaa in il gaar ah uu ku eego Jaaliyada oo soo jireen ah, waayo isaga ayey mas’uuliyad ka saaran tahay inuu la socdo”

”Madaxweynaha waxaan ka dooneynaa inuu taakotaako ula socdo xaalada Jaaliyada waayo haddii aan heysan taageero iyo daryeel ma filaayo inay imaaneyso isku duubni”

”Madaxweynaha waxaan u sheegayaa in Somalia ay ku nooshahay inkabadan 700 oo qoys Eriterian ah waxa ay su’aashu tahay ma jirtaa cid kawar qabto xaalada qoysaskaasi”

Sidoo kale, Ali Fikak waxa uu sheegay in Wasaarada Arrimaha Gudaha ay ka heleen soo dhaweyn wanaagsan balse aanu jirin kaalmooyinkii ay ka filayeen oo aan wali soo gaarin.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ayuu isna ugu baaqay inuu kasoo dhalaalo kaalinta Jaaliyadda Eriteria ee Somalia.

Geesta kale, waxa uu Nabadoonka Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ugu baaqay inay soo booqdaan Xarunta Jaaliyadda si ay ula socdaan xaalada Jaaliyadda.

Emial: ericom985@gmail.com

Eri2

Eri4

Eri5