Xog: Xildhibaano lacag ku bixiyay kulankii ka dhanka ahaa XASAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaana ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya ayaa la ogaadey iney lug ku lahaayen kulan ka dhan ah M/weynaha Soomaaliya oo ciidamada dowladda ay ku fashiliyeen magaalada Muqdisho.

Xildhinaamada kala ah Maxamed Abuukar Isloow ( Ducaale), Cabduqaadir Cosoble, iyo Bashiir Caddow Calasoow ayaa la ogaadey inay qarash ku bixiyeen shirkii dowladdu ay fashilisay ee Hotel Maka Al Mukarama ee Muqdisjho, oo looga horjeedey siyaasadda M/weynaha ee Gobolka Banaadir oo aan helin xaqii uu ku lahaa nidaamka Federaalka ee dalka.

Odoyaasha dhaqanka ee shirkaas fashilmay ayaa uga mahad celiyey sadexdaas xildhibaan maadaama ay taageeren shirkooda oo ay bixiyeen qarashka ku baxay gogoshaas oo dowladdu ay fashilisay, waxana ay xuseen in dowladda ay ka xun yihiin falka ay ku kacdey laakiin sadexda xildhibaan ee Ducaale, Cosoble iyo Bashiir Caddoow ay si gaar ah u amaanayan maadaama ay u muujiyeen kalsooni iyo taageero maaliyadeed, ayna ku balameen inay u dagaalamaan xaqa gobolka oo ay u balan qaadeen in M/weynaha aysan ka yeeleyn in gobolka la marin habaabiyo xaqiisa.

Waxa kale oo xildhibaanadan ay si kulul uga soo horjeesteen isku dayga M/weynaha ee siyaasadda ka dhanka ah shaqsiyaadka musharaxiinta ah ee la caburiyo, si gaar ah taageerayaasha M/weynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed oo dhowr jeer laga hor istaagay shirar abaabul ah oo ay ku yeelan lahaayeen Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
Caasimada@live.com