DEG DEG: Afgmabi milatari oo caawa ka socda dalka TURKIGA

Ankara (Caasimada Online) – Warar goordhow soo baxay ayaa sheegaya in afgambi milatari uu ka socda dalka Turkiga, ayada oo milatariga dalkaas ay isku dayayaan inay dalka qabsadaan.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa ku warrantay in diyaarado jawi hoose ku socda ay duulayaan magaalooyinka Ankara iyo Istanbul.

Milatariga ayaa sheegay inay xukuumadda rideen, islamarkaana ay dalka ayaga la wareegeen, hase yeeshee xukuumadda ayaa taas beenisay.

Ra’iisul Wasaare Binali Yildirim ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan milatariga ay ku dhaqaaqeen fal sharci darro ah, ayna xireen qeybo ka mid ah magaalada Istanbul.

Waxa uu sheegay in xukuumadda ay si buuxda maamulka dalka gacanta ugu hayso.

Muuqaallo kasoo baxaya dalkaas ayaa muujinaya ciidamo milatari ah oo waddooyinka dhooban, taasi oo abuureysa shaki ah inay dalka qabsadeen. Waxaa sidoo kale la maqlayaa rasaas dhaceysa.

Xaaladda ayaa weli ah mid qasan lamana oga in milatariga si buuxda ay dalka ula wareegeen iyo in kale.

Islamarkaana wakaaladda wararka Turkiga ayaa dhowaan daabacday qoraal kasoo baxay milatariga oo ah inay si buuxda dalka ula wareegeen.

Haddii milatariga la wareegaan warbaahinta waxay u badan tahay inay dalka qabsadeen.

Wixii kusoo kordha waa idinla soo socodsiin doonnaa Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
Caasimada@live.com