AF-GAMBIGA TURKEY: Milatariga dalka oo war cusub soo saaray

Istanbul (Caasimada Online) – Warar cusub ayaa kasoo baxaya xaaladda dalka Turkiga oo caawa la sheegay in afgambi milatari uu ka socdo.

Wararkii ugu dambeeyey ee nasoo gaaray waxa ay sheegayaan in milatariga ay si buxuda iminka gacanta ugu hayaan warbaahinta oo ay ka mid yihiin taleefishinka qaranka iyo wakaaladda wararka.

Bayaan ay soo saareen milatariga waxa ay ku sheegeen inay dalka la wareegeen, si ay ugu soo dabaalaan dimoqraadiyad, una dhowraan xuquuqda aadanaha.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in dalka lagu soo rogay xaaladda deg deg ah, ayna maamuli doonaan wax ay ugu yeereen “Gole ammani”.

Milatariga waxa ay sidoo kale sheegeen in dalka uu yeelan doono dastuur cusub, islamarkaana sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo diyaarin doono dastuurkaas.

Madaxweyne Erdogan oo ku maqan dalxiis uu ku jooga magaalo ka mid ah dalkaas ayaa farriin kusoo diray Skype, wuxuuna sheegay inuu yahay madaxweynaha sharciga ah.

Wuxuu shacabka ugu baaqay inay kacdoon sameeyaan islamarkaana difaacaan dowladda dimoqraadiga ah.

Ra’iisul Wasaare Binali Yildirim ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan milatariga ay ku dhaqaaqeen fal sharci darro ah, ayna xireen qeybo ka mid ah magaalada Istanbul.

Waxa uu sheegay in xukuumadda ay si buuxda maamulka dalka gacanta ugu hayso. Si kastaba, xaaladda ayaa hadda u muuqata in milatariga ay dalka la wareegeen.

ankara 1ankara 2ankara 3ankara 4Turkiga 7Turkiga 6Turkiga 5Turkiga 4Turkiga 3

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
Caasimada@live.com