Xog: Xasan Sheikh oo xil cusub u magacaabaya C/raxman Tuuryare

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud dadaal dheer ugu jira sida uu ku qancin lahaa Taliyihii hore ee Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia Cabdiraxmaan Tuuryare.

Madaxweyne Xassan ayaa la sheegay in iminka uu doonaayo in Tuuryare uu u magacaabo Taliyaha Ciidanka Xooga Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xassan ayaa sidoo kale la sheegay inuu qorsheynaayo in xilka uu ka qaado Taliyaha ciidamada Xooga, si uu xilkaasi ugu magacaabo Cabdiraxmaan Tuuryare.

Madaxweyne Xassan ayaa doonaaya in Taliyaha hadda haya xilka ciidamada xooga uu u magacaabo xil kale oo ka tirsan Taliska ciidamada xooga sida laga soo xigtay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Xil ka qaadista uu sameyn doono Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa sidoo kale saameyn doonto dhowr taliye oo ka tirsan Taliska Ciidamada Xooga kuwaasi oo qaarkood weyn doona xilalka ay hayaan, halka qaarna loo dhiibi doono xilal kale oo aysan fileynin, sida ay xogta tibaaxeyso.

Geesta kale, Madaxweyne Xassan ayaa ka fakaraaya in sidoo kale uu xilka ka qaado Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumada Somalia, waxa uuna isbedelkaani saadaashiisu tahay inuu dhaco doorashada ka hor.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com