Xog: Awooda baarlamanka dalka SOOMAALIYA oo la inqilaabay!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Madaxtooyada Somalia iyo Hogaanka Madasha Qaran ee Soomaaliya ay inqilaabeen howlihii shaqo ee uu hayay Baarlamaanka Somalia, tan iyo markii magaalada Baydhabo lagu soo afmeeray kulankii ugu danbeeyay ee u dhexeeyay Dowlada Somalia iyo Maamulada dalka ka jira.

Madaxtooyada Somalia ayaa la sheegay inay muujineyso talaabooyin looga maarmi karo jiritaanka Baarlamaanka Somalia ee muddo Afar sano ah ka shaqeynaayay dalka.

Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia, ayaa sheegay in Xildhibaanada aysan faraha ku heyn howlihii loo igmaday waxa uuna uu cadeeyay in howshii ay Qaranka u hayeen ay inqilaaben Madaxtooyada iyo Hogaanka Madasha Qaran.

Dalxa waxa uu cod dheer ku sheegay in dhammaan shaqooyinkii ay hayeen ay iminka ku shaqeeyan Hogaanka Madasha Qaran, waxa uuna taasi ku micneeyay mas’uul darida dalka ka taagan.

Waxa uu sheegay in wakhtiga la jooga gacanta Xildhibaanada aysan waxba ku jirin wixii khuseeyay Baarlamaankana lagala xaajoodo Hogaanka Madasha Qaran si amar la’aan ah.

Dalxa ayaa hadalkaani sheegay mar uu ka qeybqaadanaayay Barnaamij gaar ah oo maalmaha Jimcihii ka baxa Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho, waxa uuna halkaasi ka qiray in Baarlamaanka uusan dhameysan wakhtigii u haray, hadana ay jiraan ku tagri fal dhanka awooda Baarlamaanka oo la inqilaabay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Xildhibaanadu ay ku jahwareersan yihiin hadii Guddoomiye Jawaari uu arintaasi wax kala socdo iyo haddii kale.

Dalxa waxa uu carab dhabay in loo baahnaa arimaha la xiriira doorashooyinka ee xasaasiga ah in loola soo laabto Baarlamaanka Soomaaliya balse aysan muuqan arintaasi.

Haddalka Dalxa ayaa kusoo beegmaaya xili dalka uu galay xaalad adag oo aan looga maarmi karin shaqooyinka Baarlamaanka dalka, haddana waxaa muuqaneysa in leysku dayaayo in meesha laga saaro baahida loo qabo Baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com