Sawirro: Wufuud ka kala socota 15 dal oo yimid Muqdisho + Ujeedkooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta oo jimco ah war ay soo dhigtay Baraheeda Bulshada ku sheegtay in Muqdisho berri uu ka dhacayo Shirka Golaha Iskaashiga Islaamka.

Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka iskaashiga Islaamka ayaa Soomaaliya lagu qaban doonaa 30-sano kadib, waxaana qorshuhu yahay in ay ka qayb galaan Xubno ka socda Dalalka ururkaan ku jira.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in kaliya in shirka uu Magaalada Muqdisho ka furmayo, iyaga oo xustay Magacyada Dalalka ka qaybgalaya.

Ajendaha ama waxyaabaha looga hadlayo ma sheegin Dowladda Federalka, balse waxa ay tilmaamtay in ay dib kasoo gudbin doonto.

Waxaana warar ay heleyso Mustaqbal Radio ay sheegayaan in looga hadli doono sidii Taageero loo siin lahaa Soomaaliya, Siyaasadda, Ammaanka iyo in Dowladda federaalka looga dambeeyo Siyaasadda gudaha.

27-ka Bisha Oktoobar oo Berri ah ayaa la filayaa in uu shirkaan ka furmo Magaalada Muqdisho, waxaana warar Mustaqbal Radio ay heleyso ay sheegayaan in ay ka qayb geli doonaan Madax ka socota Ururkaan.

Wufuud ka ka kala socota wadamada Islaamka oo ay ka mid yihiin Boqortooyada Sacuud Carabiya, Turkiga iyo Malaysiya, iyo sidoo kale wafdi uu hoggaaminayo Mudane Danjire Hishaam Yuusuf oo ah Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa maanta yimid Magaalada Muqdisho.

Waxaa soo dhoweeyay Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka, waxaana Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Dowladda ay geysay Xubno katirsan oo ka qayb qaadanaya Soo dhoweynta Wufuudda Isdaba joogga ah.

Soomaaliya ayaa Dalalka Ururkaan ku jira ku ah 15-Dal, waxayna taas ka dhigan tahay in Magaalada ay imaanayaan Madax iyo Mas’uuliyiin kala mataleysa 14-kaan Dal.

1- Azerbaijan

2- Brunei

3- Djibouti

4- Egypt

5- Gabon

6- Iran

7- Kuwait

8- Malaysia

9- Pakistan

10- Qatar

11- Saudi Arabia

12- Sudan

13- Turkey

14- UAE

15- Yemen