ERDOĞAN oo dalab culus hor-dhigay Sacuudiga

Istanbul (Caasimada Online) – Madaxwenaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta dalbaday Sacuudiga inay shaaca ka qaadaay halka uu yaallo meydka suxufiga Sacuudiga ee la dilay Jamal Khashoggi.

Erdogan waxaa uu sidoo kale Sacuudiga ka dalbaday inay shaaciyaan qof reer Istanbul oo sida la tuhunsan yahay Sacuudiga kala shaqeeya in meydka Khashoggi la qariyo kadib markii lagu dhex-dilay qunsuliyadda Sauudiga ee Istanbul.

Madaxweynaha Turkiga oo baarlamanka kula hadlayey xubno ka tirsan xisbigiisa AK ayaa shaaca ka qaaday in Ankara ay hayso caddeymo dheeraad ah oo la xiriira dilka suxufiga, hase yeeshee ma bixin wax faah-faahin ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dacwad oogaha Sacuudiga uu axadda booqan doono Istanbul, si uu ula kulmo saraakiisha Turkiga, taasi oo qeyb ka ah baaritaanka dilka Khashoggi.

Sacuudi Carabiya ayaa bayaan ay soo saartay khamiistii ku qiratay in dilka Khashoggi uu ahaa mid horey loo qoresheeyey, ayada oo lagu saleynayo caddeymo ay ka heleen Turkiga.

Si kastaba, qoraalka ayaan lagu caddeyn cidda horey u qorsheysay dilka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in dacwad oogaha uu weli wado baaritaanka dadka lagu tuhmayo dilka, si loogu soo afjaro hab cadaaladeed.

Dowladda Sacuudiga ayaa shaqada ka ceyrisay shan mas’uul oo sare oo lala xiriiray dilka, islamarkaana xabsiga dhigtay 18 tuhmaneyaal.

Dad uu ka mid yahay madaxwenaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu qaadi doono mas’uuliyadda kama dambeysta ah ee dilka.

Aqalka Kremlin-ka ee looga arrimiyo Ruushka ayaa maanta sheegay inay rumeysan yihiin in boqortooyada Sacuudiga aysan ku lug lahayn dilka suxufiga.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
Caasimada@live.com