Sawirro: Rag loolan adag ugu jira haweeney guurkeeda ku xirat xoolo xad dhaaf ah & gaadiid (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online)-Haweeney u dhalatay dalka South Sudan oo joog leh ayaa la sheegay inay shuruudaasi ku xirtay rag guur-doon ah oo loolan ugu jira hanashadeeda.

Telefishinka Jubba ee South Sudan oo baahiyey Qisadan ayaa sheegay in haweeneydaasi oo lagu magacaabo Nyalong Ngonh Deng Jalang ay she egg at in ninka doonaya inuu iyada guursado ku xiray inuu bixiyo 500 oo Lo’ ah iyo 3 Gaari oo noocoodu yahay V8.

Mid ka mid ah shan Nin oo guur-doon ah ayaa u dhow inuu hanto haweeneydaasi oo deegaan ahaan ka soo jeeda Awerial oo ka tirsan Gobalka Lake State ee dalkaasi.

Haweeneydaasi oo aan Muslim ahayn waxay soo jiidatay hamiga Guur-doonayaal badan, kuwaasi oo badankooda ku haray shuruudaas, maadaama aysan bixin karin Kharajka Meherkeeda.

Haddaba, sidee kula tahay shuruudaasi haddii ay kuugu xiray gabar aad calmatay? Ma bixin lahayd mise Dantaa kuu run sheegin lahayd?

WQ: Ustaad Nuradin