IRAN oo kashiftay dhagar la mid ah tan Kaashogji oo Sacuudiga maleegayo

Tehran (Caasimada Online) – Dowlada Iran ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Sacuudiga ay wali ku howlan tahay fulinta dhagaro  kale oo ka dhan ah xubno ka baxsaday dalkooda uu dibad joog ah.

Iran ayaa sheegtay in dhagaraha ay iminka maleegeyso Sacuudiga ay ku fooraraan wadamada Sudan, Masar iyo Turkiga oo ay ku sugan yihiin mucaarad badan oo aad uga soo horjeeda maamulka talada haya.

Wasiirka Sirdoonka ee dalkaasi, Maxamed Alavi oo ay xiganayeen wargeysyada ayaa hadalkan ka sheegay shir ka dhacay magaalada Dahran oo looga hadlaayay kaalinta Iran uga aadan khilaafyada dowladaha Islaamka.

Wasiir Maxamed Alavi, waxa uu sheegay in dowlada Sacuudiga lagu fiirsanayo xalaaleysiga dhiiga dadka aan danbiilayaasha aheyn waxa uuna ka digay in dowladaha kor ku xusan ay dhaliilsadan dhagaraha ay la damacsan tahay Sacuudiga.

Waxa uu tilmaamay inay suuragal tahay in qorshaha Sacuudiga uu yahay in nolosha ay ku qafaashan kuwa mucaaradka ku ah ee ku dhex nool wadamada aan kor ku xusnay, isagoo tilmaamay inay jiran dhaqaale xoogan oo la doonayo in lagu bixiyo hirgalinta qorshooyinkaasi halite leh.

Maxamed Alavi, waxa uu tilmaamay in qorshaha Bin Salmaan uu yahay in mudada uga harsan xilka inuu masaxo mucaaradka miisaanka leh ee ku nool wadamada kale, si xilkaasi uu ula wareego iyadoo aanu jirin mucaarad muuqda.

Sidoo kale, Maxamed Alavi, waxa uu cadeeyay in dowlada Mareykanka ay waxbadan kala soctay dilka Jamaal Kaashogji, balse waxa uu ka gaabsaday inuu usii guda galo tuhunka uu ka qabo Mareykanka.

Haddalka Wasiirka ayaa imanaya xili dhawaan Madaxweynaha Iran Hassan Ruhani uu cod dheer ku sheegay in Sacuudiga uusan ku dhiirankarin dilka Jamaal Kaashogji waa haddii uusan garab ka heysan Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Abu Dhabi
Caasimada@live.com