Xildhibaano ka tirsan DDSI oo sabab yaab leh loo xiray

Jigjiga (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in maamulka DDSI uu xabsi dhigay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka kadib markii lagu eedeeyay falal lid ku ah maamulka oo ay kamid tahay faafinta dhaliilaha Madaxweyne Mustaf.

Xildhibaanada ayaa waxaa xarigooda ka danbeeyay ciidamo ka tirsan maamulka oo iyagu kala soo baxay hooy ay kaga sugnaayen magaalada Jigjiga ee xarunta maamulka DDSI.

Xildhibaanada la xiray ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaanad Nasra Xasan iyo kuwo kale oo qeyb ka ahaa falka xariga.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka DDSI ayaa waxa ay sheegen in hada ay wadaan dadaalo lagu sii deynayo Xildhibaanada ay xireen ciidamada amaanka ee dowlada deegaanka Soomaalida.

Sidoo kale, Madaxweynaha maamulka DDSI Mustafe Maxamed Cumar, ayaa laga dalbaday in ay ilaaliyaan  sharciga, islamarkaana aan lagu xadgudbin Xildhibaanada oo leh xasaanad.

Dhinaca kale, Xildhibaanada la xiray ayaa la sheegay in deegaan ahaan ay kasoo jeedan Magaalada Shillaabo.

Caasimada Online

Xafiiska Jigjiga

Caasimada@live.com