Sawirro: Xamza oo dhagax dhigay xarun aad muhiim u ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta gurmadka deg-degga ah ee Isbitaalka Madiina.

Xaruntan oo ah mid aad muhiim u ah ayaa waxaa loogu tala-galay in lagula tacaalo muwaadiniinta ku waxyeelooba musiibooyinka dalka ka dhaca.

Xaruntan oo loo dhisaayo qaab casri ah, ayaa waxaa ku baxaya lacag gaaraysa hal milyan, laba boqol iyo konton kun oo dollar.

Lacagtan ayaa la sheegay inay ka imaanayso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, iyada oo ka koobnaan doonta xaruntan 47 sariirood oo lagu qaabilo dadka qaba xaaladaha deg-degga ah, halka ay horey u yaaleen Isbitaal Madiina 3 sariirood.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xaruntani marka la dhameystiro ay dabooli doonto baahi weyn oo dhanka caafimaadka ah oo ay qabeen shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa ayaa xusay in xukuumadda Dan-Qaran oo ka duuleysa baahida bulshada ee dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada ay qaaday tallaabooyin wax looga qabanayo soo celinta adeegyada bulshada ee asaasiga ahaa.

Ugu dambeyntiina waxa ra’iisul wasaaruhu soo kormeerey qeybaha kala duwan ee Isbitaalka Madiina, wuxuuna warbixinno ka dhageystay maamulka Isbitaalka, isaga oo ku bogaadiyey howlaha baxaadda leh ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.