Sawirro: R/W Xamza oo guddomiyey kulan aan caadi aheyn, farayna xubnaha…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan ay yeesheen hoggaanka Tiirarka Xukuumadda, oo looga hadlayay hanaanka dowladnimada casriga ah.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in xafiiska ra’iisul wasaaruhu uu hormuud u noqdo isbeddelka iyo hannaanka dowladnimada casriga ah, si meesha looga saaro caqabadaha ku horgudban horumarinta adeegyada dowladda iyo isbeddel horumar oo waara.

Xamza oo la hadlayay hoggaanka Tiirarka Xukuumadda ayaa ku booriyey in xubnihii hey’adaha dowladda ee qaybta ka ahaa safarka loo galayo isbeddelka iyo horumarka dowladnimada casriga ah ay hormuud ka noqonayaan horumarka bulsho iyo dhaqan-dhaqaale ee Xukuumaddu u jiheyneyso dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in tiirarku ay laf-dhabar u yihiin howlaha xukuumadda Dan-Qaran, si bulshada Soomaaliyeed loo gaarsiiyo adeegyo hufan oo wax ku soo kordhiya noloshooda.

Waxaa dhawaan dalka dib ugu soo laabtay xubno ka badan soddon qof oo ka tirsan hey’adaha kala duwan ee dowladda, kuwaas oo dalka Maleysiya ku soo qaatay barnaamijyo la xiriira hannaanka jiheynta dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya.

Mudane Xamza ayaa dhawaan sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay awoodaan in ay ka gudbaan caqabadaha amniga, kala qeybsanaanta, musuq-maasuqa iyo saboolnimada, isaga oo sheegay in qorshahan qaran uu yahay jidkii inagu hagi lahaa rumeynta himilooyinka dowladnimo iyo in aan la tartanno dhiggeena.

“Safarka loo galayo isbeddelka iyo horumarka dowladnimada casriga ah waxa uu u baahan yahay ka go’naansho wadareed oo mug leh, iyadoo Soomaaliya ay galeyso
marxalad cusub, waxaanan ku boorrinayaa qof kasta oo idinka mid ahi in uu isbaddelka uga qeyb qaato si daacadnimo leh,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Xamza ayaa markaas qiray in soddonkii sano ee ay Soomaaliya ku jirtay colaadaha iyo dowlad burburka ay adduunyadu ku tallaabsatay horumarro iyo isbeddello dunida wax ku soo biiriyey, sidaas darteed loo baahan yahay in la xaqiijiyo.

“Soddonkii sano ee aan adduunka ka maqnayn anagoo ah dowlad shaqeynaysa, waa soddonkii sano ee tiknoolajiyaddu soo biirtay, dowladuhuna ay horumarka gaareen, marka si aan u gaarno dunida waa in aan sameynaa dadaal ka badan kii hore.”

Sidoo kale waxa uu markaas tilmaamay in lagama maarmaan tahay in loo shaqeeyo si ka duwan, kana dadaal badan sidii hore, si dalkeennu u xaqiijiyo kuwa lamid horumarrada caalamka.