27.9 C
Mogadishu
Thursday, October 9, 2025

Sawirro: Xamza oo isugu yeeray madaxda hey’adaha amniga kadib weerarkii SYL

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey amniga guud ee dalka, ciribtirka Khawaarijta iyo sidii loo sii adkeyn lahaa ammaanka caasimadda.

Kukankaan oo ahaa mid xasaasi ah, aadna la isugu xog wareystay ayaa ku soo aaday iyadoo habeen ka hor afaafka hore ee madaxtooyada ay Shabaab soo galeen saacado badana ay ka dagaalamayeen.

Kulanka waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga, Ku-simaha Wasiirka Amniga Gudaha, Talisyada Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska iyo Nabad Sugidda, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga, gaar ahaan xilligaan lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan oo kooxaha Khawaarijta ah ay caadeysteen in ay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in hey’adaha amnigu ay la yimaadaan feejignaan dheeri ah, si Khawaarijtu aanay fursad ugu helin dhibaateynta dadka Soomaaliyeed ee cibaadada Alle ku jira.

Waxa uu hoosta ka xariiqay Ra’iisul Wasaare Xamsa sida ay mudnaanta koowaad ugu leedahay xukuumaddiisa ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah ee baneystay nafta iyo maalka bulshada Soomaaliyeed.

Habeenkii Jimcaha Al-Shabaab ayaa soo galay hotelka SYL oo ku yaalla irida laga galo madaxtooyada qaranka, askartii joogtay barta koontrool ee laga ilaaliyo madaxtooyada ee ku taalla Sayidka ayaa xabsiga loo taxaabay.

Waxaa socda baaritaan culus oo ku saabsan kiiskaas iyo sida ay Al-Shabaab ugu suurtagashay inay u soo gudbaan aagaas sida weyn loo ilaaliyo, waxaana la helay muuqaalo ay duubeen kaamirooyinka qarsoon, kuwaas oo muujinaya qaabkii ay u soo gudbeen Shabaab-ku.

- Advertisement -

Read more

Local News