Xogta sababta Xamza caawa uu u tegay Kaxda + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa degmada Kaxda uga qeyb galay Kulan Affur Wadareed oo lagu muujinayey amniga iyo horumarrada kala duwan ka jira Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay shacabka degmada Kaxda sida ay isugu tashadeen, isla markaana ay horumarka degmadooda gacan weyn ugu geysteen.

Sidoo kale wuxuu sheegay in hormarinta kaabayaasha bulshadu ee ay ugu horreeyaan dhismaha waddooyinka ay qeyb weyn ka qaataan bilicda, horumarka iyo amniga.

“Degmada Kaxda waxaa deggan dad iimaan iyo akhlaaq leh, lagamana filaayo in daroogo iyo khawaarij ku faafto, labaduba waxa ay ku faafaan meelaha jahligu yaal, halkaanna waa goob culimo oo kitaabta lagu akhriyo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Waxa uu sheegay in horumarka degmada ay qeyb weyn ka qaadatay isbeddelka amni ee jira, taas oo keentay in lala affuro bulshada Kaxda oo kamid ah degmooyinka dhaca cirifyada.

Xamza ayaa intaas ku sii daray intaas ku daray in amniga caasimaddu uusan hagaageen haddii aan lagu guuleysteen caqabado badan oo kamid yihiin, Khawaarijta, ciyaal-weerada, hubkii magaalada lagu dhex watay iyo nidaaminta Bajaaj-ta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in wax laga qaban doono baahiyaha kale duwan ee ka jira degmada iyo guud ahaan gobolka Banaadir, isaga oo ugu baaqay shacabka in ay bixiyaan canshuurta, si loogu beddelo horumar iyo amni, caasimaduna u noqoto mid la tartanta caasimadaha dhiggeeda ah.