28.3 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Maxay tahay wadada uu sheegay Xamza inay cagta saartay Soomaaliya? + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Aswa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo maanta khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka 5-aad ee nabadda iyo horumarka Afrika oo lagu qabtay magaalada Aswan ee dalka Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar.

Shirweynahan oo cinwaankiisu yahay “awoodda Afrika ee horumarka iyo isbeddelka adduunka casriga ah” ayuu ra’iisul wasaaruhu ka sheegay in Soomaaliya ay cagta saartay waddada horumar waara, iyada oo ka gudubtay dhibaatooyinkii amni, dhaqaale iyo siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay guulaha la taaban karo ee dowladdu gaartay, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Dib-u-dhiska dowladnimada iyo hay’adaha qaranka, deyn cafinta, kor u qaadista xiriirka Soomaaliya la leedahay waddamada gobolka iyo caalamka.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday qaadista cuna-qabateyntii hubka ee saarneyd dalka muddada dheer iyo amni oo hormar ballaaran laga gaaray gaar ahaana dhankan la dagaallanka kooxaha argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sidoo kale soo bandhigay hannaanka qaran ee isbeddelka 2025–2030, oo ah qorshe diiradda saaraya lix tiir oo waaweyn:

  • Dib-u-dhiska iyo kaabeyaasha dhaqaalaha
    Kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka
  • Horumarinta adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka
  • Amniga cuntada iyo horumarinta beeraha,
    Ilaalinta deegaanka iyo horumarinta tamarta nadiifta ah
  • Daah-furnaanta maamulka iyo hufnaan dowladeed oo dhab ah.

“Soomaaliya maanta waa dal kasoo baxay colaado iyo burbur, kuna socdo dhabbihii horumar iyo barwaaqo waarta, iyadoo aan cidna laga reebaynin dadaallada qaran ee lagu dhisayo mustaqbal mideysan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad-celiyay xowladda Masar doorkeeda joogtada ah ee ay ku taageerto Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadda, dib-u-dhiska iyo iskaashiga, isagoo xusay in xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal uu yahay mid taariikhi ah oo sii xoogeysanaya.

- Advertisement -

Read more

Local News