Sawirro: Xasan Sheekh iyo reer Galmudug oo maanta wacad ku galay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ayaa ka wada kulamo mira-dhal ah oo la xiriira dagaalka Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa maanta la kulmay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo bulshada Galmudug, kaasi oo u daarna dardar-gelin howl-gallada madaxweynaha u joogo halkaasi.

Xasan ayaa si gaar ah odayaasha dhaqanka kala hadlay sidii ay doorkooda hoggaamineed uga qaadan lahaayeen qorshaha dib loogu xoreynayo deegaannada ay argagixisada Al-Shabaab kaga harsan yihiin Galmudug.

Sidoo kale waxa uu ku booriyay in ay ka hortagaan qorsheyaasha kooxda ku kala qeybinayso dadka deegaanka, si ay u helaan maalmo ay kusii carqaladeeyaan nolasha iyo horumarka bulshada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo reer Galmudug ayaa wacad ku maray in gacanta la saaro kooxda Al-Shabaab, lana soo afjaro si wejiga labaad ee dagaalka loo guda-galo, kaasi oo uu dib u dhac ku yimid.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo muddoo ka badan toddobaad u jooga deegaanada Galmudug abaabulka howl-gallada deegaanka looga xoreynayo Khawaarijta ayaa kulamo gaar-gaar ah la yeelanayay odayaasha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada reer Galmudug.

Galmudug ayaa laf dhabar u ah qorshaha cirib-tirka Khawaarijta, sida uu sheegay madaxweyne Xasan, oo isagu xooga saaraya in dadka deegaanka ay hormuud u noqdaan abaabulka bulshada, wacyi-gelinta, hoggaaminta iyo garab istaagga ciidama qalabka sida.

Odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa dhankooda ballan-qaaday in ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku garab istaagayaan sidii looga mira-dhalin lahaa Soomaaliya xor ka ah argagixisada.

Sida ay horay u sheegeen madaxda dowladda federaalka, dagaalka gobollada dhexe looga saarayo Al-Shabaab waxaa loo qorsheeyey waqti kooban, si koonfurta Soomaaliya looga bilaabo howl-gallo militeri oo ay ka qeyb qaada doonaan ciidamada wadamada safka hore.

Si kastaba, Howl-galka qeybtiisa duqeynta cirka ah ayaa billowday, waxaana la filayaa in duulaanka dhulka ah uu isna dhawaan bilaawdo, kaasi oo kooxda looga saarayo deegaannada ay weli kaga harsan yihiin maamulkaasi.