DIGNIIN loo diray shacabka ka agdhaw Al-Shabaab oo ay ku wajahan tahay…

Baydhabo (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa digniin culus u diray shacabka ku nool deegaannada ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab, xilli ay socdaan howl-gallada ka dhanka ah kooxda.

Shacabka ayaa la faray inay iskaga fogaadaan xeryaha ay ku tababartaan kooxda Al-Shabaab iyo meelah ay ku diyaariyaan qaraxyada ee isla deegaannada ay xukumaan.

Wasiirka amniga maamulka Koonfur Galbeed Xasan Cabduqaadir Maxamed ayaa sidoo kale shaaciyay inay calaamadeysan yihiin goobo laga fulinayo weeraro dhulka ah iyo duqeymo cirka.

“Shacabka waxaa looga baahan yahay inay maamulka lasoo wadaagaan xogta meelaha Al-Shabaab-ku ku dhuumaalaysanahaan,” ayuu yiri wasiirka amnigaaamulka Koonfur Galbeed Xasan Cabduqaadir Maxamed

Sidoo kale waxa uu sheegay in maamulka uu tallaabo adag ka qaadayo cid kasta oo lagu helo inay si uun ula macaamishay kooxda Al-Shabaab, xilli ay dhawaan mamnuuceen la-macaamilka kooxda.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina sheegay in dhawaan deegaannada maamulkaasi uu si rasmi ah uga bilaaban doono wejiga labaad, ayna ka go’an tahay in Shabaab laga cirib-tiro deegaannada maamulkooda.

Arrintaan ayaa imaneysa xilli shalay ciidanka xoogga dalka oo kaashanayay saaxiibada caalamka ay howl-gal qorshaysan oo Al-Shabaab ka dhan ah ka fuliyeeen deegaannada Baladul-Amiin iyo Baladul-Kariim oo ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Howl-galkaas oo loo adeegsaday duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ayaa la qaaday markii la helay xog ku saabsan in maleeshiyaad Shabaab ah oo si dhuumaalaysi ah isugu aruursanayay beero ku yaalla deegaanadaas.

Dowladda federaalka Soomaaliya waxay sheegtay in howl-galkaas lagu dilay 18 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida baahisay warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan ciidanka qaranka.

“Goobaha laga sameeyay howlgallada waxaa hadda ku sugan ciidanka Qaranka, kuwaasi oo ku daba jooga firxadkii Khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowladda.

Sidoo kale saacadihii lasoo dhaafay waxaa la duqeeyey saldhigyo ay kooxda Al-Shabaab ku leedahay deegaanka Buula-Fulaay oo hoostaga degmada Buurhakaba ee gobolka Bay.

Duqeyntaasi ayaa lagu bur-buriyey xarumo badan oo kooxda ay ugu keydsanaayeen hub, agab caafimaad iyo gaadiid dagaal, waxaana khasaare culus lagu gaarsiiyey kooxda, sida uu sheegay maamulka Koonfur Galbeed.