BF oo soo farogeliyay arrinta Khadiija Aadan Daahir

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay gudaha magaalada Muqdisho ayaa su’aallo weydiiyay wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha, Maxamed Barre Maxamuud oo hortegay golaha.

Xildhibaanada ayaa wasiirka wax ka weydiiyay shaqada guud ee wasaaradda, gaar ahaan arrimaha ciyaaraha iyo horumarinta garoomada ku yaalla gudaha dalka.

Su’aallaha ugu badan ayaa waxa ay ka dhasheen fadeexaddii Somalia kasoo gaartay tartankii orodka ee dhowaan lagu qabtay dalka China, kadib markii gabadhii u tartameysay Somalia oo lagu magacaabo Nasra Abuukar Cali ay gashay kaalinta ugu dambeysa ee tartanka.

Sidoo kale waxaa wasiir Barre ayaa wax laga weydiiyay tallaabada ay qaaday wasaaradda, gaar ahaan xilka qaadistii Khadiija Aadan Daahir oo aheyd guddoomiyaha xiriirka ciyaaraha fudud.

Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif ayaa su’aal adag ka keenay hannaanka loo maray xilka qaadista Khadiija Aadan Daahir.

“Wasiir waxaa dhahday arrintii ka dhacday China warqad-baa soo saartay oo aad leedahay shaqadii waxaan ka joojinay Drs, Khadiija Aadan Daahir oo ciyaaraha fudud madax ka ah habraaca warqaddaas loo maray sharciga ma ku siinayaa? ayuu weydiiyay Xildhibaanku.

Wasiirka oo ka jawaabay su’aashaas ayaa tilmaamay in wasaaraddu ay laheyd kaliya soo jeedin, ayna u martay guddiga Olombigada iyo xiriirka ciyaaradaha fududu, kadibna ay wasaaradda ku raaceen talo soo jeedinteeda ah in xilka laga qaado Khadiija Aadan Daahir.

“Khadiijo annaga habraaca aan u marnay waxay aheyd sida ay iyaga xiriirada u dhisan yihiin annaga waxaan soo jeedin u sameynay in shaqada laga joojiyo marka aan aragnay falalka ay ku kacday, sidoo kalena waxaan u dirnay guddiga Olombigada, kadibna waxaa loo sii diray xiriirka ay ka tirsaneyd golihiisa fulinta, iyagaana ka fariistay” ayuu yiri Barre.

Sidoo kale wuxuu Khadiija ku eedeeyay inay tartankii China musuq-maasuqday, ayna u dirtay xubno ka tirsan qoyskeeda, sida walaalaheed iyo Nasra oo habaryar ay u tahay.

“Gabadha China aaday waxaa la dhahaa Nasra Abuukar Cali, hooyadeed waxaa la dhahaa Deeqo Aadan Daahir, iyadana waxaa la yiraahdaa Khadiijo Aadan Daahir magaca qofka raacay waxaa la yiraahdaa Caasho Aadan Daahir” ayuu mar kale hadalkiisa sii raaciyay.

Arrintan ayaa daba socota fadeexad hadal hayn dhalisay oo Somalia kasoo gaartay tartan orod ah oo dhawaan ka dhacayChina, kaas oo ay ka qayb gashay gabar la sheegay in aysan lahayn wax taariikh orodyahannimo ah isla markaana aysan ahayn ciyaaryahanad orodka ka tirsan.

Nasra Abuukar Cali oo metelaysay Soomaaliya ayaa loo diiwaan galiyay inay noqotay orod-yahanaddii ugu hooseysay abid tartan heer caalami ah, iyada oo oroday kaliya 21.81 ilbiriqsi, maadaama aysan laheyn soyaal hore oo oradka ah, waana sababta bulshada Soomaaliyeed si weyn uga careysiisay.