Daawo: Caro xoogan oo ka dhalatay sarkaal maydkiisa lagu jiiday Gacan-Libaax

Minneapolis (Caasimada Online) – Qaar kamid ah ehellada Marxuum Axmed Cabdullaahi Maxamed Bile oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka Somaliland, isla-markaana kamid noqday askartii ku geeriyootay dagaalkii Jimcihii ka dhacay buurta Gancan-Libaax ayaa si caro leh uga hadlay qaabka loola dhaqmay maydka sarkaalkaas oo la sheegay in la jiiday.

Ehellada oo ku sugan magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in si ka baxsan bani’aadanimada loola dhaqmay marxuumka, isla-markaana maydkiisa lug laga saaray wajiga, taas oo ay ku tilmaameen xad-gudub weyn.

Mid kamid ah ehelladaan oo kasoo jeeda Beesha Gabooye ayaa sheegay in meesha lagu dilay 9 askari, bale kaliya marxuum Axmed lagu sameeyay arrintaasi, isla-markaana ay si adag u cambaareynayaan falkaasi.

“Waxaa isugu nimid inaan aad iyo aad u cambaareyno falkii foosha xumaa ee lagula kacay sarkaalkaa maydkiisii, waxaan si adag u cambaareyneynaa dadkii falkaas geystay, waxaan sidoo kale cambaareyneynaa cid kasta oo falkaas raali ka ah” ayuu yiri mid kamid ah ehellada.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in falka lagu beegsaday wiilkooda kaliya uu muujinayo halka uu gaarsiisan yahay naceybka loo qabo beesha uu kasoo jeedo, sida uu hadalka u dhigay.

“Sagaal qof oo mayd ah ayaa meeshaa yaallay sida la sheegay waxa maydkiisa lala soo dhex baxay oo lasoo jiitay oo cagta madaxa laga saaray waxaa weeye naceyb iyo takoor intiisa la’eg oo loo qabo beesha uu kasoo jeedo” ayuu mar kale hadalkiisa sii raaciyay.

Dhankiisa Afhayeenka Beesha Gabooye ee North America oo madasha ka hadlay ayaa arrintaan ku tilmaamay mucjiso, wuxuuna sheegay inay u baahan yihiin in laga jawaabo.

“Ninka waxa uu ahaa nin dowlad ka tirsan oo sarkaal ah ha ahaadee Jamhuuriyad ayuu u dhimanayay cidda uu doono hala gagaalamee arrinkaas meel fog ayuu naga gaaray dal iyo dibad, waaana arrin mucjiso ah” ayuu yiri afhayeenka Beeshs Gabooye ee North America.

Afhayeenka ayaa sidoo kale xusay in Axmed Cabdullaahi uu u shaqeynayay dowladda, balse abaalkiisa uu noqday in maydkiisa afka laga laado.

“Nnin askari ayuu ahaa dagaalka ay galeen iyo geerida midna ma diidin laakiin reer Waqooyiga waxaan isku ogeyn in qofka nool ay afka laadaan ee iskumaan ogeyn inay maydkana afka ka laadi doonaan” ayuu hadalkiisa kusii daray afhayeenku.

Ugu dmabeyn waxay ehelladu farriin u direen madaxda Somaliland, Culimada iyo guud ahaan Soomaalida oo ay ugu baaqeen inay ka dhiidhiyaan falkaas foosha xun.