Wararkii ugu dambeeyey madaafiic lagu garaacay Laascaanood + Khasaaraha

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in saaka ay duqeymo ka dhaceen duleedka magaalada Laascaanood ee gobolkaasi, kadib markii ay ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC ay madaafiic isku weydaarsadeen halkaasi.

Madaafiicda ayaa xoogoodu waxa ay ka dhaceen dhanka bari ee magaaladaasi oo ay weli isku horfadhiyaan ciidamada labada dhinac.

Ilo dadka dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay hoobiyeyaasha lagu garaacay bariga Laascaanood iyo xaaladda guud ee magaaladaasi, waxayna sheegeen inay dareemeen walwal iyo cabsi xoogan oo ka dhalatay madaafiicdaaasi.

Ugu yaraan illaa afar qof ayaa ku dhintay weerarkan, kadib markii ay goobahooda ugu tageen madaafiic habaaw ah, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sedex qof ayaa ku dhintay bakhaar ku yalla gudaha magaalada oo uu madfac ku dhacay, halka nin nabadoon caan ahaa, uu isna ku dhintay madfac ku dhacay goob uu joogay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, sida ay soo sheegayaan qaar kamid ah dadka deegaanka, oo ay saameyn ku yeesheen madaafiicda maanta lagu garaacay halkaasi.

Wararkiika ayaa intaasi kusii daray in ciidamada labada dhinac ay haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan aagga xerada Goojacadde, halkaas oo laga maqlayo rasaas teel-teel ah.

SSC ayaa lasoo wariyay in ciidamo dheeraaad ah ay geysay jiidda hore ee dagaalka, ayada oo ka faa’iideysanaya xiisadda kasoo cusboonaatay buurta Gacan-Libaax ee Somaliland.

Muddooyinkii u dambeeyay xaaladda Laascaanood ayaa ahayd mid deggan, inkastoo mas’uuliyiinta labada dhinac ay hanjabaadyo isku marinayeen warbaahinta.

Si kastaba, waxaa horay u fashilmay dadaallada la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda, waxaana labada dhinac ay ka dhaga fureysteen dhamaan baaqyada nabadda ee loo diray.