Xiisadda Jabhadda Gacan-Libaax oo Muusei Biixi kala doorsiineysa saddex & saddex

Hargeysa (Caasimada Online) – Kooxda jabhadda ah ee sida beelaysan isku abaabushay ee ku jirta Buurta Gacan-Libaax ayaa leysay tiro kamid ah ciidanka Booliska Somaliland.

Askar soddomeeyo aheyd waxaa ka baxsaday wax shan xubnood ka yar, intii kale waxay u qeybsameen qaar dhintay iyo kuwo dhaawacmay, sida ay xaqiijiyeen xubno u hadlay maamulka Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin waxa uu sheegay in jabhadda Gacan-Libaax degtay iyo duulaankaba inuu ka dambeeyo hoggaamiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro.

Kooxdan jabhadda ah ayaa illaa hadda fulisay afar weerar oo dhamaantood khasaare geystay. Taliyaha booliska Somaliland waxa uu amar ku siiyay ciidanka booliska inay tallaabo ka qaadan kooxda ku jirta buurta Gacan-Libaax.

Mar uu ka jawaabayay ciidanka booliska ah ee ay jabhadda leysay, waxa uu sheegay in askarta aanay cadow u arkeyn raggaasi buurta ku jira, sidoo kalena aanay haysan fasax ah inay kooxdaasi tallaabo ka qaadan.

Balse hadda waxa uu sheegay inuu bixiyay amar kama dambeys ah, taasi oo uga sii dari karta xaaladda.

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay inay nasiib darro tahay in xaaladda Somaliland xabad lagu xaliyo. Wuxuu ku baaqay in nabadda la ilaaliyo, laakiin sidaas oo ay tahay maamulka Muuse Biixi waxay sheegayaan inuu Cirro abaabulay jabhadaha.

Banaanbaxyo ayaa sidoo kale ka dhacay deegaannada Somaliland qaarkood, sidoo kale abaabul ciidan ayaa laga soo warinayaa deegaano kale oo isla Somaliland ah. Dagaallada, jabhadaha abuurmay iyo banaanbaxyadu dhamaantood waa farriimo lagula hadlaayo Muuse Biixi, kaas oo uu sanadkii hore ka dhamaaday muddo xileedkii, sidoo kalena doorashadii madaxtooyada kasoo hormariyay middii ururadda si uu meesha uga saaro xisbiyada hadda la loolamaya qaarkood. Mucaaradka arrintaas illaa hadda ma ogola.

Biixi oo dadka qaar ku tilmaamaan hoggaamiye ad-adag ayaa muujinaya xukun jaceyl xad dhaaf ah. Ad-adeyga siyaasigu isku sifeeyo ama dadka qaarkii ku tilmaamaan wuxuu mararka qaar noqon karaa mid dumaya nidaamka.

Xaaladdaha kasoo cusboonaaday Somaliland waa kuwo cabsi iyo culeys leh. Baaqyada beesha caalamka ayaa dhamaan qancin waayay Muuse Biixi. Muuse hadda wuxuu u jeeda culeyska waxa hareerihiisa ka socda, arrintii Laascaanood ayuu billowgii hore af-qaban waayay, taas oo gaartay heer aanay weligeed gaarin.

Hadda waa xaalad kale oo la af-qaban karo, laakiin hadduu nidaamka Biixi ku wajaho siyaasad xumadii ay ku wajaheen Laascaanood waxay dhalin karta foolxumo kale. Tallaabooyinkan kasoo cusboonaaday deegaannada Somaliland waxay Muuse Biixi kala dooransiinayaan colaad iyo caafimaad, burbur iyo badbaado, dagaal iyo doorasho ama dan gaar ah iyo dan-guud.

Dhinaca uu Muuse Biixi gacanta u taagi doono lama yaqaano, laakiin Somaliland heerka ay maanta mareyso ma aanay gaarin tan iyo markii Burco looga dhawaaqay maamulkan 18-kii May 1991-dii.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lasoo warinayaa inay si hoose u qiimeynayso xaaladdaha kasoo cusboonaaday deegaannada Somaliland.