ISREAL oo qaaday tallaabo culus oo Sacuudiga ka dhan ah

Tel Aviv (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa Axadda maanta ah meesha ka saartay in xafiis dublamaasiyadeed uu magaalada Quddus ku yeesho ergayga cusub ee Sacuudiga u qaabilsan Falastiiniyiinta.

Ergeygan cusub ee Sacuudiga ayaa waxay magacaabistiisu ku soo beegantay, iyadoo Washington ay isku dayayso in ay xiriir rasmi ah ka dhex abuurto Israa’iil iyo Sacuudiga.

Safiirka Sacuudiga u fadhiya Urdun Nayef Al-Sudairi ayaa Sabtidii kordhiyay meelaha uu ka shaqeyn doono oo ay ku jiri doonto in uu noqonayo ergay qaabilsan Falastiiniyiinta.

Waxaa qoraal ay baraha bulshada soo dhigtay safaaradda Sacuudiga ee Cammaan ay ku sheegtay in “Qunsulka guud ee Quddus” ay hadda qeyb ka tahay waajibaadka Al-Sudairi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil Eli Cohen oo la hadlay idaacad ku taalla Tel Aviv ayaa sheegay in Al-Sudairi uu noqon karo ergay la kulma wakiilada maamulka Falastiin.

Laakin waxa uu sheegay in aysan u oggolaan doonin in ay Sacuudigu furtaan xafiis dublumaasiyadeed oo ku yaalla Quddus, kaasi oo saameyn ku yeelan kara qorshaha socda ee la iskugu soo dhaweynayo Israa’iil iyo Sacuudiga.

Israa’iil ayaa u aqqoonsan Quddus in ay tahay caasimaddeeda taasi oo uu sidoo kale 2017-kii aqqoonsatay dowladda Mareykanka, laakin aysan aqqoonsan awoodaha kale ee waaweyn ee dunida