Sawirro: Xasan Sheekh oo ilmeeyey markii uu la kulmay waalidiinta askarta la geeyey Eritrea

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay ka soo laabtay safar uu ku tegay dalka Eritrea ayaa madaxtooyada kulan xog-warran ah kula qaatay qaar ka mid ah waalidiinta ciidanka Soomaaliyeed ee tababbarka u jooga dalka Eritrea.

Madaxweynaha ayaa dhalinayaradaas xeryahooda ku kormeeray maalmihii la soo dhaafay, Xasan Sheekh ayaa waalidiinta la wadaagay xaaladda guud ee ay ku sugan yihiin, bad-qabkooda nololeed iyo halka ay marayaan tababbarrada ay dalkaas u joogaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu mar kale waalidka u xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay fulinta ballan-qaadkiisii ku aaddanaa in ubadkooda ay dib ula midoobaan, dalkana dib ugu soo laabtaan si ay u gutaan waajibka qaran ee ay sida geesinnimada, dal-jacaylka iyo naf-hurnimada leh u qaadeen.

“Waxaan la soo qaatay farxadda ciidda, aniga oo si dhow ugu kuur-galay noloshooda. Si ay waalidnimo ku dheehan tahay ayaan ula soo dardaarmay, waxaana ka shaqeeyey in ay idinla soo xiriiraan. Sidoo kale waxaan la xalliyey caqabado ku aaddan arrintaas aniga oo rajaynaya dhawaan in ay idin soo wacaan,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa intii uu kulanka socday celin waayey dareenkiisa, ayada oo la arki karay inuu ilmada ceshan waayey.

Dhinaca kale, waalidka ciidamada Soomaaliyeed ee la kulmay Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey mudnaanta uu siiyey xaaladda ubadkooda iyo sida degdegga ah ee uu uga war doonay si xal loogu helo tabashada iyo walwalka ay qabeen iyaga oo muujiyey in ay ku qanceen xogta uu la wadaagay ee ku saabsan xaaladda dhabta ah ee ubadkooda.

Hoos ka daawo