Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar shaqo ugu amba-baxay dalka Eritrea.
Madaxweyne Xasan ayaa marka uu ka dego Asmara waxa kulan xasaasi ah la yeelan doona dhiggiisa dalkaasi Isaias Afwerki, oo ay ka wada-hadli doonaan iskaashiga labada dhinac, sida ay shaacisay Villa Soomaaliya.
Eritrea ayaa waxaa ku sugan oo tababar ku qaadanaya qaar ka mid ah ciidamada qalabka sida, waana mid kamid ah waddamada Soomaaliya ka gacan siiya tababarka ciidamada, kaasi oo lagu tilmaamo midka ugu adag ee la siiyo ciidankeenna.
Madaxweynaha ayaa kahor inta uusan ka dhoofin garoonka diyaaradaha ee Aaddan Cadde ku sii sagootiyey mas’uuliyiin iyo muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay weerarkii maleeshiyaadka Al-Shabaab ku qaadeen hoteelka SYL.
Xubnahan oo loo qaaday dalka Turkiga, ayaa waxba looga qaban waayo xaaladooda caafimaad gudaha dalka, kuwaasi oo hadda xaaladdooda caafimaad lagu soo daaweynayo dalka dibaddiisa.
Dhaawacyada la qaaday ayaa gaaraya illaa 18 ruux iyo ehelladooda, kuwaasi oo lagu soo daaweyn doono isbitaallo ku yaalla magaalada Ankara ee dalka Turkiga, sida uu shaaciyay wasiirka caafimaadka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji oo la hadlay warbaahinta.
Dhaawacyada la qaaday maanta ayaa waxaa kamid ah mas’uuliyiin, xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiil ciidan, oo dhamaantood ku waxyeeloobay weerarkii bahal-nimada ahaa ee hoteel SYL, oo ku yaalla xayndaabka Madaxtooyada Qaranka.