Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay wafdi sare oo ka socday dalka Aljeeriya, oo maanta booqasho rasmi ah ku yimid dalka.
Wafdigan ayaa waxa hoggaaminayey Wasiirka Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Aljeeriya Kamel Badari oo ay kulan gaar ah wada qaateen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa ka guddoomay wafdigan farriin iyo salaan ay uga sideen madaxweynaha dalka Aljeeriya Cabdilmajiid Tabbuune, iyagoo la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda dalkaas iyo sida ay uga go’an tahay madaxdiisa sare u qaadidda xiriirka ay la wadaagaan Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay sida Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga labada dal iyo doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayso horumarinta midnimada iyo isdhex-galka Qaaradda Afrika.
Caalamka ayaa hadda daneynaya Soomaaliya, maadaama ay tahay wadan qani ah oo dad furfuran ay ku nool yihiin, waxaana meesha ka sii baxeysa duruuftii lagu nici jiray Soomaaliya oo aheyd dowlad la’aanta.
Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa caalamka ka helaya casuumaad, sidoo kale farriimo iyo dhambaalo marxabo wata ayaa si joogto ah caalamka uga soo gaara madaxda Soomaaliya, waxaana lagu bogaadinaya soo kabashada deg degga ah ee socota iyo sida ay dowladdu ugu adkeysaneyso sharuucda caalamiga ah.
Kheyraadka ceegaaga gudaha dalka oo hadda baaritaan lagu bilaabay, deyn cafinta, dib u habeynta maaliyadda dalka, kororka dakhliga dalka, ka soo kabashada dagaaladii sokeeye, maalgashiga iyo dalkaan dihan ee xogtiisu caalamka gaartay ayaa sababtay in aad loo daneeyo Soomaaliya.