Sawirro: Xasan Sheekh oo war kasoo saaray kulan uu la qaatay safiirka Jabuuti

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka dowladda Jabuuti ee Soomaaliya Aadan Xasan Aadan, ayaa maanta hooygiisa magaalada Muqdisho ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheesh Maxamuud.

Safiirka iyo Madaxweynaha ayaa ka wadahadlay xaaladda guud ee dalka iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, waxuuna Xasan Sheekh Danjire Aadan uga mahadceliyey booqashadaas.

Xasan Sheesh Maxamuud ayaa boggiisa Twitter-ka ku soo qoray, “Sharaf ayey ii ahayd in uu maanta i soo booqday Safiirka dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, Ambassador Aadan Xasan Aadan”.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu dowladda Jabuuti ku tilmaamay dal ka shaqeeya dib u dhiska Soomaaliya. “Waxaan uga mahadceliyay dadaallada dowladda Jabuuti ee dib u dhiska Soomaaliya,” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay go’aanka Jabuuti ay ku garab taagan tahay walaalahood Soomaaliya, isagoo xusay in weligiis uusan isbedeli doonin.

Intaas waxa uu raaciyey in aysan Jabuuti lamid ahayn dalal fara badan oo Soomaaliya saaxiib la ah. Waxa uu sheegay inay Jabuuti tahay dal walaal ah oo Soomaaliya, garab istaagay waqtiyo ay xaaladuhu aad ugu adkaayeen. “Jabuuti waa walaal iyo saaxiib na garab istaagay xilli adag” ayuu Xasan Sheekh ku yiri qoraalkiisa.

Booqashadaan waxay imaaneysaa iyadoo dowladda Soomaaliya bilihii lasoo dhaafay ay ugu yaraan laba jeer ku eedeysay dowladda Jabuuti inay xagal-daacineyso Soomaaliya.

Sidoo kale xukuumadda madaxweyne Farmaajo ayaa horay loogu eedeeyey inay lumineyso Jabuuti oo dadka Soomaaliyeed aysan u aaminsaneyn dal kaliya deris la ah,  balse u arka walaal u soo hiiliyey, xilliyadii adkaa ee Qaran-jabku ku dhacay umadda Soomaaliyeed.