Shabaab oo ku dhowaaqday in berri ay ciid tahay oo bisha ‘laga arkay’ dhowr gobol

Muqdisho (Caasimada Online) –War ka soo baxay ururka Al-Shabaab oo ay baahisay warbaahinta taageerta ayaa lagu iclaamiyey in Arbacada berri ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga, isla markaana la arkay bilashada bisha Soonfur ee Shawaal

Al-Shabaab waxa ay sheegeen in illaa 8-qof oo ku kala sugan gobollada Hiiraan, Gedo, Bay iyo Bakool ay xaqiijiyeen inay arkeen bisha Soonfur oo dhalatay.

Deegaanka Afcad oo hoos taga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, Al-Shabaab waxay qoraalkooda u sheegeen inay bisha ku arkeen 3-qof, sidoo kale deegaanka Yasooman oo hoos taga degmada Buulo-Burte ee isla gobolka Hiiraan, waxaa bisha ku arkay hal qof, sida lagu sheegay qoraalka kooxda.

Sidoo kale duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool ayey sheegeen inay bisha ka arkeen laba qof, halka deegaanka Tuulo-barwaaqo oo ka tirsan gobolka Gedo ay bisha ka arkeen illaa labo qof, sida lagu sheegay qoraalka Al-Shabaab.

Aragtida bisha ee sideedaas qof darteed Al-Shabaab waxay iclaamiyeen in berri oo Arbaco ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha Shawaal, isla maraakan ay tahay Ciid.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa dhankeeda caawa xaqiijisay in Arbacada berri ay tahay maalinta u dambeysa ee bisha Soon, maadaama galabta la waayey bilashada bisha Soonfur ee Shawaal.

Guddiga aragtida dayaxa ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa xaqiijiyay in baaristii la sameeyey Talaadadii maanta lagu ogaaday in aysan dhalan bisha Shawaal ee Soonfur.

Sidoo kale dowladda Qatar ayaa caawa shaacisay in maalinta berri ay tahay Soon 30 buuxo ah, isla markaana la ciidi doono maalinta Khamiista ah ee 13-ka bishan May.