Sawirro: Xiisadda Al-Aqsa oo kasii dartay iyo Yahuudda oo mar kale xalay weeraray

Qudus (Caasimada Online) – Shacab Falastiiniyiin ah oo dibad-baxayey iyo ciidamada Yahuudda ayaa mar kale xalay isku dhacay, dibedda Xaramka Al-Shariifka ah ee Qudus, ayada oo kumanaan qof ay ay salaadda tahajudka ku tukanayeen Masjidka Al-Qasa oo ku dhex-yaalla xaramka iyo dibeddiisa.

Falastiiniyin dhallinyaro ah ayaa dhagxaan ku tuurayey ciidamada Yahuudda oo dhigtay jidgooyooin waddooyinka gala Masjidka, ayaga oo isku dayaya inay celiyaan shacabka qaarkiis.

Ugu yaraan 80 qof ayaa lagu dhaawacay rabshadaha, oo ay ku jiraan caruur uu ugu yar yahay hal sano jir, kuwaas oo 14 ka mid ah la dhigay isbitaalka, sida ay sheegtay hay’adda Bisha Cas ee Falastiin.

“Ma doonayaan inaan tukano. Maalin kasta waxaa jira dagaal iyo isku dhac,” waxaa sidaas yiri Mahmoud al-Marbua oo ah 27 jir isaga oo ku sugan albaabka Dimishiq ee laga galo Xaram Al-Shariifka, isaga oo tilmaamaya booliska Yahuudda. “Bal fiiri waa ay na xabadeynayaan,” ayuu yiri.

Xiisadda Al-Aqsa ayaa taagneyd intii lagu guda jira bisha Ramadan oo idil ayada oo ay jirto carro xooggan oo ka dhalatay qorshe la rabo in dad Falastiiniyiin ah looga saaro guryo ku yaalla magaalada Qudus oo ay sheegteen Yahuud.

Ugu yaraan 205 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dhaawacay isku dhac kale oo dhacay Jimcihii, taasi oo dhalisay in dunida aay si xooggan u cambaareeyaan Yahuudda. 

Isku dhacyada ayaa habeen walba ka dhaca Bariga Qudus, gaar ahaan xaafadda Sheikh Jarrah, halkaasi oo Yahuudda ay damacsan yihiin inay si qasab ah uga raraan qoysas Falastiiniyiin ah, si loo dejiyo Yahuud.  

Kooxda loo yaqaan Dhex-dhexaadiyayaasha afarta ah ee Bariga Dhexe, oo ka kooban Mareykanka, Ruushka, Midowga Yurub iyo QM ayaa walaac ka muujiyey rabshadaha iyo suurta-galnimada ah in dad guryahooda laga saaro.

“Waxaan ugu baaqeynaa mas’uuliyiinta Israel inay muujiyaan is-xakameyn ayna ka fogaadaan tallaabooyin sii xumeyn kara xaaladda inta lagu guda jiro maalmaha barakeysan,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen.

Xiisadda ayaa la filayaa inay sii kacsanaato maalmaha soo socda, ayada oo Maxkamadda Sare ee Israel ay Isniinta billaabi doonto dhageysiga kiiska dadka al rabo in laga saaro xaafadda Sheikh Jarrah.