29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xildhibaanada bad-baado qaran: Waan rideynaa xukuumadda musiibo qaran !!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa ku midoobay Kutlada Badbaado Qaran ayaa mar kale maanta ku shirey Magaalada Muqdisho waxayna mar kale ku celiyeen inay ridi doonaan xukuumada cusub uu soo dhisay Ra’iisulwasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake.

Shirka waxaa ka hadlay intii uu socday sedex Xildhibaan kuwaasoo kala ah Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon, Xildhibaan C/lahi Cusman ducaale iyo xildhibaan Mustafa Mukhtaar Quudow

Xildhibaan Bishaar oo aan wareysi gaar ah la yeelanay shirkooda kadib ayaa noo sheegay in xildhibaano gaaray 68 mudane ay ku soo biireen dhankooda kuwaasoo uu hogaaminayo Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre.

“Annaga waxaan nahay in ka badan 120 mudane hadana waxaa nagu soo biirey 68 mudane uu hogaaminayo Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre wasiirkii hore ee arimaha gudaha kuwaasoo maanta shir ku leh Muqdisho” ayuu yiri Xidlhibaan Bishaar

“wasiirada la soo magacaabay 9-ka saac habeenimo waxaan rabnaa inaan u diidno kalsoonida baarlamaanka mana istaahilaan” ayuu yiri mar kale Xildhibaan Bishaar

Xidlhibaanka wuxuu sheegay inay ka go’an tahay sidii ay u hor istaagi lahaayeen ansixinta Golaha Wasiirada cusub.

“Xukuumada Masiibo Qaran waan rideynaa kor iyo hoos waxaana ku dhownahay 200 mudane” ayuu yiri Xildhibaanka.

xildhi (1)xildhi (2)xildhi (3)xildhi (4)

- Advertisement -

Read more

Local News