30.9 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

Dhageyso: FARMAAJO “Dantii qaranka waxaa laga hormariyey mid shaqsi ah”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee xukuumadii KMG aheyd Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa weeraray masuuliyiinta ugu sareyso dowlada Soomaaliya oo uu ku eedeeyay inaysan ka shaqeynin danaha dalka Soomaaliya.

Wuxuu qaab aan wanaagsaneyn in loo maray uu ku tilmaamay soo dhisida xukuumada cusub ee ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo habeen ka hor xili saq dhexe ah looga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo, ayaa sheegay in soo celinta qaar kamid ah golaha wasiirada iney tahay nin jecleysi oo aysan aheyn dowlad jeclaysi, sida uu hadalka u dhigay.

“Mar qof qeyb ka ahaa marxaladaasi, sida xukuumadahii fashilmay qof kasoo qabtay xil inay haddana qeyb ka ahaadaan xukuumaddaan, waxay ila tahay inay tahay danaha shaqsiyadeed, waxaan dhihi lahaa ka taga danaha shaqsiyadeed”ayuu yiri Farmaajo.

Dhanka kale Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa weeraray urur goboleedka IGAD oo uu sheegay inay ku xad gudbayaan dastuurka dalka, isagoo sheegay in dastuurka uusan dhigeyn in dowlado shisheeye ay qeyb ka noqdaan dhismaha maamul goboleedyada.

“Dastuurkii ayaa lagu tumanayaa, dastuurka wuxuu qeexayaa nidaamyada dhismaha maamul goboleedyada, dastuurka ma dhigayo in IGAD ay maamul goboleedyada wax ka dhisto mana dhigayo in shisheeye maamul goboleedyada ay dhisaan”ayuu yiri Farmaajo.

Hadalka Farmaajo, ayaa kusoo aaday iyadoo habeen ka hor lagu dhawaaqay golaha wasiirada cusub, dhawaanna magaalada Muqdisho kulan ay ku yeesheen wasiirada arimaha dibada ee IGAD.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News