25.2 C
Mogadishu
Friday, February 13, 2026

“CC sababta lagu heysto wuu ogyahay ee qorsho cuntamayo hala yimaado…”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Xasan Aadan oo kamid ah Mudanayaasha BF Somalia ayaa sheegay in tirada Xildhibaanada kasoo horjeeda Siyaasada Ra’isul wasaaraha dalka ay sii kordhayaan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Xildhibaanada hadda kasoo horjeeda Ra’isul wasaaraha ay gaarayaan ilaa 115 kuwaasi oo uu sheegay inay ka mideysan yihiin inaan la ansixin Xukuumada cusub, maadaama uu CCC ka talaabay heshiiskii.

“Dowladdaan uu hadda soo dhisay Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid maaha Dowlad wadaag ah. Waa Dowlad ay hal dhinac oo kaliya ka wada muuqdaan.”

”Anaga go’aan ayan gaarnay Cumar Cabdirashiid inta uu fursada heysto qaladaadkiisa ha iska saxo, koley anagu sahal kuma dhaafi doono”

Xildhibaanka ayaa ku baaqay in CCC uu liiska dib ugu sameeyo habeyn haddii taasi la waayana ay laadi doonaan Wasiiradii hore ee lagu soo dhoodhoobay Madxatooyada, sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimadalive.com

- Advertisement -

Read more

Local News