Barre Hiiraale oo shaaciyey arrin aad u xun oo ka socota magaalada Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Korneyl Barre Aadan Shire ”Barre Hiiraale”, ayaa waxa uu si kulul uga hadlay ficilada uu Axmed Madoobe kula dhaqmaayo Beelaha qaar ee kasoo jeeda Magaalada Kismaayo.

Waxa uu sheegay in Axmed Madoobe iyo Ciidankiisa ay dhibaato qaawan ku hayaan Beelaha halkaasi ku nool markii laga reebo beesha uu isaga kasoo jeedo.

Korneel Barre ayaa sheegay in Ciidamada Maamulka ay barakac ku hayaan dadka Kismaayo ku nool, gaar ahaan beelo gaar ah oo uu ku sheegay inuu cadaawo u muujinaayo, sida uu hadalka u dhigay Barre Hiiraale.

“Waxaan maqli jiray dal hebel ayaa leeska musaafuriyaa, hadda waxay ka socotaa Kismaayo. Dadkii Magaalada u dhashay ayaa waxaa lagu wadaa tahriibin.” Ayuu yiri Barre Aadan Shire oo maanta ka hadlaayay kulan looga hadlaayay dilalka ku soo badanaaya Kismaayo, oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

“Magaalada Kismaayo waxaa ka taagan waxaan caadi ahayn, dadkii waxaa lagu hayaa dilal joogto ah, si ay uga barakacaan Magaalada.”

Korneel Barre Hiiraale waxa uu Dowladda Somaliya uu ugu baaqay inay wax ka qabato xaalada adag ee ka taagan sida uu sheegay Magaalada Kismaayo, isagoo dhanka kalana xusay in leeskala xisaabtami doono waxa ka oogan Kismaayo.

Waxa uu ku caga jugleeyay inuu qaadi doono dagaal lid ku ah Maamulka Axmed Madoobe, kaasi oo uu ku sheegay inuu ku badbaadinaayo Shacabka dhibaatada lagu hayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com