24.4 C
Mogadishu
Thursday, February 12, 2026

Xasan Sheekh iyo 9 wasiir oo shiray & xal la raadinayo xilli xaal ku xun yahay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka helnay Villa Somalia, ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Xafiiskiisa ku kulmiyay in kabadan 9-wasiir, kuwaasi oo uu kala hadlaayay arrimo dhowr oo ay ugu muhiimsan yihin xidlhibaanada ku kacsan xukuumadda cusub.

Ilo wareedyo, ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu Wasiiradaasi ku amray inay dhex galaan Xildhibaanada kasoo horjeeda ansixinta xukuumadda, ayna ka dhaadhiciyaan inay codkoosa siiyaan.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Wasiiradaasi ugu baaqay inay la yimaadan Siyaasado cusub oo suuragalin kara dhaqan galintooda, isagoona kula taliyay inay kala dhantaalan Xildhibaanada isku baheysanaaya fashilinta Xukuumada Cusub.

Siyaasiyiinta Kulankaasi goobjooga ka ahaa, ayaa waxaa kamid ahaa Afartii wasiir ee looga digaayay in Ra’isul wasaare Cumar kusoo daro Xukuumada, waxa ayna qalinka ku duugeen inay ka shaqeyn doonaan ansixintooda.

Waxaa aad u yar rajada laga qabo in xukuumadda cusub la ansixiyo, ayada oo xildhibaanada diidan ay gaarayaan illaa 146, xildhibaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News