Xujeyda Soomaaliyeed ee Madiina oo boogatay goobo aad muhiim ah + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan gudaneysa waajibaadka Xajka ayaa galabta booqasho ku tagay qaar ka mid ah goobaha barakeysan ee magaalada Madiina Al-munawara ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Goobaha ay Xujeydu booqdeen waxaa ka mid ah Masjidka Nabiga CSW, Masjidu Qubaa, Buurta Uxud iyo Qabuuraha Shuhadada ee Uxud.

Safarkaan barakeysan waxaa xujeyda Soomaaliyeed ufududeeyey Masuuliyiinta ka tirsan wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee JFS, kuwaas oo qaabilsan inay ka shaqeeyaan Arrimaha Xajka.

Qeybtii ugu horreysay ee Xujeyda ayaa ku sugan Magaalada Madiina, iyadoo maalmaha soo socda ay gaari doonaan qeybaha kale.

Dalka waxaa wali ku sugan xujey badan oo baxaysa Sabtida berri maalmo ay ugu soo horeyso, kuwaas oo diyaar garow ugu jira sidii ay ku gaari lahaayeen dhulka barakeysan una soo xaji lahaayeen sanadkaan.

Wasiirka Diinta Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa labo maalin ka hor Muqdisho ka sagootiyey xujeyda gaartay Sacuudiga, waxaana safarkii ugu horeeyey ju baxay 500 oo xujey ah.

Guud ahaan xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan baxaysa ayaa gaareysa 11 kun, waxaana xusid mudan in sanadkaan arrimo siyaasadeed ay Puntland uga hartay qeybsiga xujeyda ka baxeysa deegaanada kala duwan ee dalka Soomaaliya.

Wasiir Mukhtaar Roobow oo xujeydii ugu horeysay Muqdisho ka sagootiyey ayaa sheegay in sanadkaan uu ka wanaagsanaa doono sanadihii hore, isla markaana adeegyo muhiim ah oo dhameystiran ay heli doonaan xujeyda Soomaaliyeed, sida uu balan-qaaday.