Sawirro: Yaa kusoo baxay doorashadii BARAAWE?

Baraawe (Caasimada Oinline) – Magaallo xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, kuwaas oo baarlamaanka kasoo galaya dhinaca dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa kala ah: Hop-062, Hop-251, Hop-195, Hop-187, Hop-057 iyo Hop-194.

Xubnahan kuraastan ku soo baxay waxaa ka mid ah guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed Dr, Cali Saciid Fiqi oo ku guuleystay kursiga Hop-187, kadib markii uu helay codad gaaraya 80 cod, halka musharaxii la tartamayey Nuur Cumar Aadan uu isna helay 16 cod.

Wararka ayaa sheegaya in Fiqi loo wado guddoomiyaha baarlamaanka, wuxuuna taageero xoogan ka helayaa Villa Soomaaliya iyo madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen.

Sidoo kale waxaa soo baxay xubnaha kala ah:-

1- Aweys Maxamed Cumar oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-062.
2- Nuuracayn Khaliif Sheekh Abuu oo ku guuleysatay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-251.
3- Maxamed Xasan Maxamed (Murjaan) oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-195.
4- Muqtaar Axmed Xasan oo  ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-057.
5- Xamza Saciid Xamza oo  ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-194.