Senator Mashruuc oo su’aal ka keenay sharciyadda manhajka DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Senetor Maxamuud Axmed Maxamuud (Mashruuc)oo ka tirsan golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in imtixaankii shahaadiga ahaa ee dusiyada sare ee sanad dugsiyeedkan uu muujinayo habacsanaan baahsan iyo maamul xumo ka jirta wasaaradda waxbarashada dalka.

“10,000 oo arday in lagu fasaxo jihada mustaqbal madow waa arin taabanaysa waalid kasta oo Soomaaliyeed, waxaa ka sii daran celceliska baasidda imtixaanta oo ahaa 65% sida ay noo xaqiijiyeen hawlwadeeno Wasaaradda Waxbarashada iyo macalimiinta dugsiyada,” ayuu yiri Senetor Mashruuc.

Waxa uu soo jeediyey in baaritaan gaar ah lagu sameeyo arrintan, isla markaan ardayda imtixaanka loogu celiyo ama waxa laga baddelo hannaanka qiimeynta imtixaanka.

Senatorka ayaa sidoo kale ka digay in ardayda lagu marin habaabiyo oo mustaqbalka looga cayaaro, iyadoo Manhaj dhawaan la diyaariyey loo marayo, kaas oo uu sheegay in loo daabacayo hab aan sharciga waafaqsaneyn.

“Qorista manhaj qaran, waxaa ka horeeya in la ansixiyey sharciga waxbarashada dalka (Education Act).”

“Qorista manhaj qaran waxa  ka horeeya in la dhiso Golaha Qorista Manhajka heer Qaran” National Curriculum Council” kaasoo lagu hagayo siyaasad heer qaran, kana tarjumeysa bedqabka koboca maskaxda ubadka Soomaaliyeed iyo mastabalka horumarka Soomaaliya ee la jaan qaadi kara qarniga 21aad” ayuu yiri Senator Maxamuud Mashruuc oo ka qeyb galay barnaamij ka baxay TV-ga Somali Cable oo looga hadlayey horumarinta waxbarashada dalka.

Hoos ka Daawo