Somaliland oo mas’uuliyiin hor leh u xirtay eedo la xiriira musuq-maasuq (Warbixin)

Hargeysa (Caasimada Online) – Hanti dhowrka guud ee Somaliland ayaa maanta markale shaaciyay in mas’uuliyiin ka tirsan xukuumada Muuse Biixi ay u xireen arrimo la xiriira musuq-maasuq, xili ay dhawaan kuwo kale xabsiga u taxaabeen.

Khadar Yuusuf Dirir oo u waramayey idaacada VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa xusay in mas’uuliyiintaasi ka tirsan dowladda ay ku xireen magaalooyinka Boorama iyo Berbera, halka ay dhawaan labo mas’uul ay ku xireen magaalada Burco ee gobolka Togdheer.

Dhawaan unbey aheyd markii uu guddoomiye ku-xigeenka hanti-dhowrka guud, Sacad Riiraash uu shaaciyey in mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada maaliyada Somaliland, gaar ahaan waaxda gobolka Togdheer loo xiray musuq-maasuq.

Sacad Cabdillaahi Riiraash ayaa xiligaasi sheegay inay soo xireen labadaasi mas’uul oo lala xiriiriyey musuq-maasuq, isla markaana ay socoto baaristooda, iyada oo loo gudbiyey kiisaskoodana maxkamadda gobolkaasi.

Somaliland ayaa sanadkan dar-dar xoogan gelisay la dagaalanka musuq-maasuqa, oo la rumeysan yahay inuu si weyn uga dhex baahay hay’addaha dowladda.

Waxaana muddo dhowr bilood gudahoodana musuq-maasuqa loo xiray mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan xukuumada Muuse Biixi, halka kuwo kalena lagu xukumayo xabsi iyo lacago ganaax ah.