Iran oo digniin culus u dirtay Baxreyn iyo Imaaraadka Carabta, kadib xiriirka Israel

Tehran (Caasimada Online) – Dowladda Iiraan ayaa soo saartay digniin adag oo ku socoto Baxreyn iyo Iimaaraadka, kadib markii ay ku dhawaaqeen xiriir toos ah oo ay la yeelanayaan yuhuuda Israa’iil.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Iiraan ayaa ugu horeyntii si weyn u cambaareysay xiriirka Baxreyn ay la yeelaneyso Israa’iil, taasi oo lagu tilmaamay sharaf dhac weyn oo diiwaanka u galeysa hogaanka Baxreyn.

Iiraan ayaa ku hanjabtay in Imaaraadka iyo Baxreyn ay qaadi doonaan mas’uuliyada cawaaqib xumada ka dhalata xiriirkaasi iyo weliba saameynta amni ee ka dhalan karta, gaar ahaan mida Khaliijka.

Sidoo kale madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaani ayaa ka dhawaajiyey inay gobolka ka socdaan shirqoolo ay iska kaashanayaa maleegistooda Mareykanka iyo Isra’iil, midaasi oo ayna marnaba aqbali doonin xukuumadoodu.

Wuxuuna carabka ku adkeeyay in xukuumadoodu ay u taagan tahay ka miro-dhalinta xasiloonida gobolka iyo weliba xaqiijinta amnigiisa, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ruuxaani ayaa hoosta ka xariiqay in cadaadiska Mareykanka ee ku aadan xiriirka Isra’iil uu gobolka u horseedi doono daan-daansi badheedh ah iyo xasilooni darro ay yuhuudu ku abuurto amaanka guud.

Hadalkan kulul ayaa imanaya xili ay soo baxeyso in Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu uu safar ugu ambabaxayo Washington si uu uga qeyb galo xaflada saxiixa heshiisyadii ay la galeen Imaaraadka iyo Baxreyn.

Netanyahu ayaa hore ugu faanay xiriirada Baxreyn iyo Imaaraadka, kuwaasi oo uu ku tilmaamay ‘in bil gudaheed Israa’iil ay heshay labo heshiis oo taariikhi ah oo ay la galeen labo dal oo Carab ah’, taasi oo qeyb ka noqoneysa nabada gobolka, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xiriirka Imaaradka iyo Baxreyn ay la yeeshen Isra’iil ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay, iyada oo ururo siyaasadeed iyo hay’adaha bulshada rayidka ahba qaarkood ay sheegen inay gebi ahaanba diidan-yihiin heshiiska lala galay Israa’iil.