Goodax iyo siyaasiyiintu: Ma fahmeen fariintii Sharma Boy – Siyaasadda isaga baxa?

Heesuhu waa qeyb muhiim ka ah dhaqamada dunida oo isku xira fanka iyo siyaasadda marka la doonayo xaalad ka fiican xaaladda lagu jiro. Inta badan waxaa loo isticmaalaa dareen lagu cabbirayo in laga soo horjeesto Siyaasiyiinta-Saldhigtay “Anti-establishment” oo aan laheyn karti ay isbedel ku keenaan, haddana aanan dooneyn in ay shacabka ka hor wareegaan ama waxaa loo isticmaalaa kicin/damin dagaal ama kacaan! Heesaha caalamka caanka ka noqday ee farriimaha siyaasadeed xambaarsanaa waxaa ka mid ahaa “The Beatles” ee Liverpool-UK ama heesta caanka ah ee “We Shall Overcome” ee Ameerika oo lagu cabirayay xaalado-bulsho ee daran, sida shaqo la’aan, xuquuq la’aan, cunsurinimo iyo caafimaad iyo waxbarasho xumo, meesha ay siyaasiyiintu ku raaxeysan jireen iyaga iyo eheladooda caashuurta ay shacabka ka gurtaan.

Sidaas oo ay tahay khubarada falanqeeya arrinkan waxay is-weydiiyaan ilaa xadkee ayay dadweynuhu fahmaan farriinta siyaasadeed ee lagu gudbinayo heesaha dhexdooda. Tusaale ahaan waxaad moodaa in Wasiir Goodax Barre uu heesta fanaanka dhalinyarada ah Sharma Boy, u fahmay in ay daba-socoto buuqii imtixaanada, isagoo fanaanka ugu yeeray xafiiskiisa, iskuna dayay inuu fanaanku heesihiisa la aado taageerida shaqada Wasaaradda Waxbarashada ee Wasiirku hayo, sida Wasiirku soo dhigay bartiisa Twitter-ka 13/09/20.

Laakin haddaan si qotto-dheer u eegno farriintu way ka-mug weyn tahay shahaado. Heestu waxay gudbineysaa 3 farriimood iyo mushkiladda asaasiga ah ee dal ku dhismi karo oo la waayay: Waddanku Shaqo Maleh, haduu leeyahay shahaado macne maleh, ileyn nin walba ninkii nooleeestaa! Intaasi tilmaameysaa gadood dhanka cadaalad-bulshadeed “Cadaalal-Ijtimaaciya – Social Justice”. Sedexda fariimood ee heestu u sababeynayso in wadanka kajiraan mushkiladahaas kore waa 1) cadaalad la’aanta qabyaaladdu keentay. 2) Waxqabad la’aanta siyaasiyiinta, midnimo la’aan iyo faragelinta shisheeye iyo 3) Musuqa-siyaasadeed ee cod kala iibsashada.

Cidda Masuulka ka ah

Waxay heestu si dadbadan u tilmaameysaa in dhammaan siyaasiyiinta dalka soo maray iyo kuwa jooga ay lugooyo ku yihiin Qarankaan inuu dhismo, u fiirso erayadaan:

  • 2005 midkii loo shiday
  • Kii shalay galab kuwii ugu shubay
  • Been sheegsheeg shantii sano u ulaqay
  • Golaha Shacabka shirkeey nagu matalaan
  • Codkii bulshada kuwa shabaqa u dhigtay
  • Mooshin isu imaada shir, hooya shilimaad
  • Haddana waaba shir
  • Shantaan reer hebel, shanta kale reer hebel, shanta xigta reer hebel
  • Waaba shan-shan.

Dib u jelleec: Yuu dalku u-shidnaa 2005? Kadib yeey siyaasiyiintu ugu shubeen? Yaa weeye qofka shan sano doonaya? Yaa diiday hal-cod-hal-qof oo codka shacabka shabaq u dhigtay? Heestu Wasir Goodax keliya ma khuseyso ee waxay dhulka la goynaysaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed laga soo bilaabo 2005 oo uusan midna ka marneyn, waxayna kula talineysaa in ay siyaasadda isaga baxaan maadama aysan dadkan iyo dalkan waxba u hayn, waxayna shacabka ku baraarujineysaa in loo baahan yahay cadaalad-bulshadeed iyo dadku in ay u istaagaan xuquuqdooda, iyadoo isweydiineysa in cadaalad imaan doonto, rajjana ka qaba dalku in uu barwaaqo noqon doono.

Sidaa awgeed fanaan Sharma Boy uma haboona inuu qaabilo siyaasiyiinta, kana weeciyaan ujeedadiisa baraarug-shacab, una weeciyaan waxyaalo u adeegaya maslaxadooda siyaasadeed.

Shacab weynuhuna si wacan ha usii dhuuxaan macnaha heesta, maadama ay mug ballaaran tahay, rajjo weyna ka qabaan dalkooda in ay dhistaan, kana shaqeystaan. Sharma-Boy iyo saxiibkii Saalim Keyskey: Waa sax, waana saxiix, waana suuragal in Soomaaliya nabadii hore iyo mid ka fiican soo noqon doonto, haddii shacabkeedu baraarugaan, culeyska haystana iska dajiyaan.

Luqmaan-Xakiim Xuseen – Waxaad kala xiriiri kartaa luqmaanxakiimxuseen@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid