Wararkii ugu dambeeyey ee xiisada Turkey iyo Greece iyo Ankara oo tallaabo qaaday

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa Markabka sahanka ah ee Oruc Reis dib ugu celisay biyaha u dhow gobolka koonfureed ee Antalya, xili ay taagan tahay xiisadda kala dhaxeysa Giriiga.

Tallaabadan ayaa waxay hoos u dhigeysa xiisadda xoogan ee muddooyinkii u dambeeyay u dhaxeysay labada dhinac ee ku saabsan kheyraadka dabiiciga ah ee badda.

Xiisada labada dhinac ayaaa cirka isku sii shareertay bishii hore ka dib markii Turkigu uu markabka Oruc Reis u diray inuu soo calaamadeeyo heerka ay leegtahay rajada laga qabo qodista saliidda iyo gaaska ee biyaha ay kala sheegtaan Giriiga iyo Turkigu.

Turkiga iyo Giriiga oo labaduba ka tirsan isbahaysiga NATO ayaa ku muransan qalfoof-badeedka iyo xuquuqda lahaanshaha kheyraadka tamarta ee laga heli karo bariga badda Mediterenian.

Dowladda Turkiga ayaa iyadu u muuqata mid rabta in la dejiyo xiisada ka dhalatay kheyraadka baddaasi, taasi oo mar qarka u saarneyd inuu dagaal ka dhex qarxo ciidamada Giriiga iyo Turkiga.

Mevlut Cavusoglu, Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa hore u sheegay in markabka dib loo celiyay maanta uu sii wadi doono howlaha sahminta muddo dheer, laakiin aan la kordhin doonin muddada la-talinta ay ciidamadu badda soo saareen, taasi oo ku mudeysneyd 12-ka September.

Turkiga ayaa sidoo kale hore u sheegay inuu ogolyahay in miiska wada-hadalka la iskugu yimaado, si jawi degan loogu dhameeyo xiisada kala dhaxeysa Giriiga.

Waxayna Ankara dhowr jeer ka digtay in wada-hadalka ay ku baaqeyso aan shuruud looga dhigin in la joojiyo howlaha sahminta ee uu wado markabka Oruc Reis, ee maanta dib ugu laabtay biyaha u dhow gobolka koonfureed ee Antalya.