Senator shaaciyey sir ku saabsan ciidamada ay Imaaraadka Carabta ku tababaraan Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Axmed Xaashi Maxamuud oo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Sare ee dalka, ayaa sheegay ciidamada Imaaraadka ay ku tababaraan Magaalada Muqdisho inay yihiin ciidan ka madax banaan Dowladda Federalka Somaliya.

Xildhibaanka ayaa sheegay ciidankaan inaysan hoostagin Taliska Militariga Dowladda Federalka Somaliya, isaga oo sheegay waxyaabaha uu isku casilay Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga dalka Somaliya inay qayb ka tahay amar diidada ciidankaasi ay sameeyaan.

Wuxuu sheegay Ciidamada Imaaraadka ay ku tababaraan Isbitaalkii hore ee Xoogga dalka Somaliya inay yihiin ciidan si toos ah u hoostagga Safaarada Imaaraadka Carabta ay ku leedahay Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Axmed Xaashi, ayaa wuxuu sheegay inuu garan waayay illaa hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in Imaaraadka Carabta ay sameystaan ciidan gaar ah, isaga oo isweydiiyay ujeedka ciidankaan.

Axmed Xaashi Maxamuud, ayaa wuxuu sheegay in arintaan la doonaayo in si rasmi ah wax looga qabto, maadaama Ciidamadan ay yihiin kuwa Somali ah, markii horena ay meesha gaysteen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya oo damiin ka noqday xilligii la qoraayay.

Ciidamada Imaaraadka ayaanan baro cayiman ku laheyn Magaalada Muqdisho waxayna ku jiraan kaliya Isbitaalka Xoogga dalka, marka loo baahdo ciidankaasi ayaa amar waxaa la waydiistaa Saraakiisha Imaaraadka Carabta ee ciidankaasi ay hoostagaan, kuwaasi oo bixiya amarka ciidamadan ay ku hawlgalaan.

Mushaarka ay qaataan Ciidamadan oo ah mid ka sareeya mushaarka kale ee ay qaataan ciidamada Militariga Dowladda Somaliya, ayaa waxaa mushaarka si toos ah u siiya Safaarada Imaaraadka Carabta ay ku leedahay Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com