Xaaf ” Reer HirShabelle ii soo duceeya Ayaantaan waa karkarayay in alle iga dejiyo”

Jowhar (Caasimadda Online) – Waxaa weli socoto Khudbada ay Madaxda ka jeedinayaan Caleema saarka Madaxweynaha Hirshabelle Waare, taasi oo ka dhaceysa magaalada Jowhar.

Waxaa hadda khudbad qosol badneyd jeediyey madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, oo ka mid madaxda maamul goboleedyada ee ka qeyb galaya caleemo saarka.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ugu horreyn u hambalyeeyey madaxweynaha Hirshabelle Waare, wuxuuna sheegay inuu u rajeenayo Hirshabelle mustaqbal wanaagsan.

Madaxweynaha Galmudug ayaa meesha ka sheegay hadal qosol badnaa markii uu yiri.

“Ayaantaan waa la igu dhagan yahay, iisoo duceeya inuu Alle iga badbaadiyo” wuxuuna hadalkaas sheegay isaga oo uu daawanayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo xiisad ay kala dhaxeyso.

Sidoo kale wuxuu yiri:”Ahlu Sunna inuu Alle soo fududeeyo iigu soo duceeya”

Dhanka kale wuxuu Madaxweynaha Hirshabelle u sheegay inuu cadowgiisa il gaar ah ku fiiriyo, isagoo fasiraad ka bixin nooca cadowgaas, waxaase loo qaadan karaa inuu ula jeedo dowladda dhexe.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu u duceenayo Maamulkaas isagoo yiri: “Waa u duceynayaa Hishabelle, waxaan filayaa 70 jir aan ahay in la iga aqbali doono”

Ugu Dambeyntii markii uu Khdubada dhameeyey, wuxuu xabad geliyey Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka qeybgalayo xafladaas.

la soco khudbadaha kale ee Madaxda jeediyeen.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
caasimada@live.com