25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Shiikh Shaakir oo shaaciyey shaqsiyaad ku lug lahaa dilkii reer K/Galbeed oo la qabtay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Dhuusomareeb ayaa shaaciyay in ciidamada amaanka Galmudug ay gacanta ku dhigeen Shaqsiyaad dad shacab ahaa ku dilay duleedka magaalada Dhuusomareeb.

Dadka shacabka ahaa ayaa kasoo jeeday deegaanada Koofur Galbeed, waxaana todobaadkii hore lagu dilay duleedka magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Maamulka Galmudug.

Madaxa xukuumadda Galmudug ayaa sheegay in ciidamada ay saacado badan kadib soo qabteen dadkii falkaasi ka dambeeyay, kuwaasi oo shacabka ku dilay duleedka Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug.

Deegaanka dadka shacabka ah lagu dilay ayaa la sheegay inay maalmihii ugu dambeeyay ka taagneyd xiisad qabiil, waxaana marar badan dad shacab ah isaga dilay labo maleeshiyaad ah oo halkaasi wada daga.

Madaxa xukuumadda Galmudug ayaa sheegay in dadka la qabtay cadaaladda la marsiin doono, islamarkaana cadaaladda ay heli doonaan dadkii shacabka laga dilay.

Dadka kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed ayuu ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amaanka si looga guuleysto dadka dhibaatada amni darada geysanaya.

Dhacdadaan ayaa kusoo aadeyso iyadoo dhawaan xasuuq uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo kadib markii dad shacab ah oo kasoo jeeda Deegaanada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed lagu dilay magaalada Gaalkacyo.

Hoos ka dhageyso codka Sheikh Shaakir.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Galmudug
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News